Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Ahlu Suna oo qayaano qaran ku tilmaamay heshiiskii Garowe

by Yahye | Wednesday, Oct 15, 2014

Muqdisho; HN;- Waxaa la shaaciyey warsaxaafadeed aay si wadajir ah u soo saareen maamulada ka jira gobolada dhexe ee kala ah, Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa lagu cambaareeyay Heshiiskii dhawaan dowlada federaalka iuo maamulka Puntland aay ku kala saxiixdeed magaalada Garowe.

Maamuladan ayaa sheegay in heshiiskii aay wadda saxiixdeen Shalay maamulka Puntland iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed waa sida aay hadalka u dhigeene uu ahaa mid qayaano qaran ah, saxiixaas wuxuu tilmaamayaa  ineeysan jirin dowlad dhexe oo Federaal ah, hase yeeshee ay jiraan labo dowladood oo siman laguna xad gudbay Dartuurka Qaranka.

Guud ahaan markii la eego qodobadda 12ka ah oo aay wadda saxiixdeen Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo maamulka Puntland, waxaa inoo soo baxday Qiyaano qaran iyo Colaad hurin.

1. Hadaan si gaar ah u tilmaano qodobadda dastuuriga ah ee la jabiyay, waxaa ka mid ah;

b) Qodobka 111 ee Dastuurka Federaalka kaas oo sheegaya magacaabidda, awoodda iyo Shaqadda gudigga madaxa banaan ee Xuduudaha Federaalka, hase yeeshee Ra’iisul wasaarre Cabdiweli iyo Gaas aay u kala jareen Gobalka Mudug laba qeeybood (beelo) si ka hor imaaneeysa Dastuurka Federaalka, iyadoon wali lamagacaabin gudigaas.

t) Waxaa kaloo la jabiyay qodobka 30-aad ee Dastuurka Faqradiisa (6-aad), kaas oo siinaya madax banaani dowladda dhexe ee federaalka Awoodda Arrimaha wax bBrashadda, halka maamulka Puntland laga siinayo awood dowladeed oola siman dowladda dhexe, iyagoo ah maamul gobaleed.

2. Baaq

Waxaan ugu baaqeeynaa dhamaan madaxda qaranka;

1. In Maxadaxweeynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna ilaaliyaha sharciga Qaranka uu arrimahaan si deg deg ah usoo fara galiyo,

2. In Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya fiira gaar ah siiyo Qodobadda Dastuuriga ah ee la jabiyay iyo heshiisyadda qarsoon ee horay loola galay maamulka Puntland sida ku xusan Heshiis kusheega la saxiixday (14, Octoobar 2014).

3. Waxaan usoo jeedineeynaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ineey ka jawaabto ku xad gudubka lagu xad gudbay Arrimaha Federaalka.

Cambaareeyn

Waxaan usoo jeedineeynaa canbaareeyn heshiiskan, madaxda saxiixday iyo Hay’adda Caalamiga ah oo goobjoogga ka ahaa Heshiis ku sheegii Garoowe, kuwaasi oo u bareeray Burburka iyo Colaad hurinta Shacbiga Soomaaliyeed.

Anagoo ah saxiixayaashii maamuladda Gobaladda dhexe, waxaan kala noqonay kalsoonidii iyo wada shaqeeyntii maamul u sameeynta Gobaladda dhexe Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

War Saxaafadeedkan waxaa wada jir usoo saaray;

  1. Mudane Cadi Xaasan Cawaale (Qaybdiid), Madaxweeynaha Maamulka Galmudug
  2. Mudane Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex), Madaxweeynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb
  3. Mudane Shiikh Ibaraahim Xassan Guureeye, Gudoomiyaha Ahlu Sunna Wal Jameeca ee Gobaladda Dhexe.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!