Ganacsade lagu dilay Gaalkacyo iyo xildhibaan ka tirsan Galmudug oo la dhaawacay

by wadani | Friday, Dec 4, 2015

Gaalkacyo : HN :–Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan dileen ganacsade lagu magacabi jiray Daahir Akhwaan, halka siddoo kalana ay dhaawaceen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug oo lagu magacaabo Max’ed Xusseen Tahliil.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ganacsadaha la dilay  iyo xildhibaanka la dhaawGaalkacyoacay ku sii jeedeen garoonka magaalada Gaalkacyo, halkaa oo uu shir uga soconayo madaxda maamulada Puntland, Galmudug iyo wafuud ku howlan dhax-dhaxaadinta labada dhinac.

Ganacsadaha la toogtay ayaa waxaa la sheegay in uu ka kasoo jeedo Koonfurta Galakacyo, mana la garanayo kooxaha toogashada geystay dhinaca ay ka tirsanaayeen.

Dilka ganacsadaha iyo dhawaca xildhibaanka ayaa imaanayaan xilli uu shalay dagaal culus ka dhacay gudaha Gaalkacyo, kaasoo u dhexeeyay maamullada Galmudug iyo Puntland.

Hiiraan Net,

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!