Ganacsade lagu dilay goor dhaw Beledweyne

by wadani | Sunday, Jun 18, 2017

Beledweyne : HN :-Kooxo hubeeysan ayaa Caawa Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne ku dilay Ibraahim Cismaan Muumin (Ibraahim Fanax) oo kamid ahaa Ganacsatada magaalada Baledweyne.

Allaha unaxariiste ibraahim Cismaan Muumin (Ibraahin Fanax) ayaa la sheegay in la toogtay xili u Ku sugna goob ganacsi oo u ku laha Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne.

Sido kale marxuumka ayaa la sheegay inu ka shaqeynayay Company Goobaalle islamarkana u ka mid ah ganacsatada dhisay suuqyada xaafaddaha Xaawo Taako.Bundo weyn iyo Howlwadaag oo ku wada yaalo magaalada Baledweyne.

Dadka xaafadda ayaa sheegay in kooxihii toogtay marxuumka ay goobta ka baxsadeen ilaa iyo haddana ma jirto cid loo soo qabtay dilkan loo gestay Ibraahin Fanax.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!