Ganacsade lagu dilay goor dhaw magaalada Beledweyne

by wadani | Sunday, Nov 20, 2016

Beledweyne : HN :-  Waxaa goor dhaw subaxnimadii hore ee saakay lagu dilay xaafadda Howl-wadaag ee magaaalada Beledweyne ganacsade lagu magacaabi jiray Bocor Axmed.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in lagu dillay galbeedka magaalada Beledweyne meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee lagu kala iibsado xollaha, waxaana dilkiisa lala xiriirinayaa aargoosi salka ku haya colaada u dhaxeysa labo beellood oo wadda dega xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Maalin ka hor ayaa siddan oo kale rag hubeysan toogasho ugu geystay dulleedka dhinac galbeed ee magaalada qof rayid ah oo lagu sheegay in uu ahaa macalin dugsi Qur’aan.

Dadka xaafadda Howl-wadaag ayaa ka cabsi qaba in dilalkan sababaan dagaallo mar kale ka dhaca xaafadda oo marar badan oo hore ku dagaallameen beellaha maleeshiyaadka dilalkan geysanaya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!