Ganacsade lagu dillay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

by admin | Wednesday, Nov 5, 2014

Boosaaso : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dilleen magaalada ganacsade lagu magacaabi jiray Yuusuf Caalin xili uu ku sugnaa ilinka hore ee hotel lagu magacaabo Karama.

Ciidamada booliska ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna markiiba goobta ka sameeyeen baaritaan muddo kooban socday, inkastoo aan falkaas weli cidna loosoo qaban.

Ganacsdaha la diley oo kasoo jeeda deegaanka Galgala ee gobolka Bari waxay walaalo ahaayeen wasiir ku-xigeenkii hore ee amnigaBastoolad C/jamaal Cismaan Maxamed.

Dhanka kale askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa rasaas ku furay gaari yar oo bas ah. Rasaasta waxaa ku geeriyoodey nin mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray.

Askariga rasaasta furay wuxuu la socdey kolonyo Ciidamada Badda ka tirsan oo marayey isgoyska Gaaca.Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey aad u wanaagsanaa marka loo barbar dhigo intii u dhexeysey 2010-2011, xiligaaso dilal badan oo qorsheysni Boosaaso ka dhaceen.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!