Ganacsade Xaaji Quuroow iyo qof ilaalo u ahaa oo saakay lagu dillay magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Feb 17, 2015

Beledweyne : HN :– Rag hubeysan oo siddan la sheegay ku labisnaa dareyska ciidammada ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku toogtay magaalada Beledweyne Ganacsade Xaaji Cumar Max’ud Nuur [Xaaji Quuroow] iyo qof ilaalo u ahaa oo la socday, xili sidda la sheegay ganacsadaha uu ka soo baxay gurigiisa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Max’ed Cisman Cabdi Qalaafoow ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku labisnaa dareyska ciidammada toogeen Xaaji Quuroow xili uu ka soo baxay gurigiisa.

”Rag bastoolado ku hubeysan ayaa toogtay ganacsadaha iyo wiil  dhalinyarro ah oo ilaalo u ahaa kaddibna goobta ayeey ka baxsadeenBastoolad-12
ayuu yiri” guddoomiyaha degmada Beledweyne oo intaa ku darray in ciidammada maamulka ku raad joogaan raggii dilka geystay.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga cidda ka danbeysa dilka ganacsada qofkii ilaalada u ahaa, hasse ahaatee waxaa xusid mudan in sanadkii hore siddan oo kale weerar la doonayay in lagu khaarajiyo ganacsadaha uu ka soo gaaray dhaawac markii danbe uu ka soo bogsaday.

Xaaji Quuroow ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay ku howlanaa dib-u-dayactirka xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo dhismaha Hool weyn oo lagu qabto shirarka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!