Ganacsiga magaalada Gaalkacyo kala xiran

by wadani | Tuesday, Dec 13, 2016

Gaalkacyo : HN :-Waxaa isa soo taraya cabasho laga muujinayo kala xirnaashaha ganacsiga magaalada Gaalkacyo kaddib dagaal culus oo horay uga dhacay.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xaalad aan horay looga baran ay ku soo korortay magaalada oo ah kala xirnaanta ganacsiga.

Isu socodkii Ganacsiga waqooyiga iyo Koofurta ayaa ah mid kala xiran, iyadoo waddooyinkii la isaga gudbi lahaa, iyo kuwii soo galayay suuqa magaalada ay ku go’an yihiin carro iyo dhufeyso horay looga sameystay.

Ganacsatada ayaa ugu baaqay maamulada ka taliya magaalada ee Puntland iyo Galmudug inay isu furaan ganacsiga, isla markaana loo turo shacabka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in xaalada ay u muuqata sidii labo magaalo oo kale, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada labada dhinac oo ku aadan kala xirnaanta Ganacsiga.

Inta badan shixnadaha Ganacsi ee la keeno magaalada ayaa ka yimaada magaalada Boosaaso, waxaana ganacasatada qaar ku andacoonayaan in kala xirnaanshaha.

Ugu danbeyntii, dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo bishii hore ayaa waxaa ku dhintay dad badan, halka kumanaan kalena ku barakaceen

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!