Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo lagu caleeemo saaray deegaanka Buuhoodle

by admin | Thursday, Jan 15, 2015

Buuhoodle : HN :–Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya ayaa sheegaya in lagu calleemo saaray halkaa  Garaad C/rasaaq Garaad Soofe Duraan oo noqon doona garaad guud ee deegaanada gobolka Cayn. Iyadoo munaasabada ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socday maamullada Puntland, Somaliland iyo Khaatumo oo dhammaantood xurguf siyaasadeed u dhexeyso.

Munaasabada calleemo saarka  ayaa waxaa ka qeyb-gallay kumanaan ruux, kuwaa oo hortooda lagu caleemo-saaray Garaad Soofe, iyadoo haruub caano ah uu ku shubay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay madax-dhaqameed kala duwan oo ka kala yimid deegaannada Somalidu degto2015115635569194036010408garaadka-oo-soo-galay, intooda badan wayna gabi ahaan u rajeeyeen garaadka cusub in Alle u fududeeyo hawsha loo ig-maday.

Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo munaasabadda ka hadlay ayaa mahad u celiyay dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda caleemo-saarka, isagoo ka ballanqaaday goobta caleemo-saarka in inta awooddiisa ah uu ku dadaalayo inuu si wanaagsan u guto xilka loo doortay.

Mas’uuliyiintii ka socday maamullada is-diiddan aya iyaguna halkaas hadallo hambalyo iyo dhiirri-gelin ah ka jeediyay, iyadoo warkooda uu ka muuqday inay shacabka deegaan-nadaas weydiisanayeen taageero, taasoo xubnihii ka socday Khaatumo ay ka caroodeen.

Munaasabaddan oo habeennimo soo gaba-gabowday, iyadoo saadaal looga bixinayo in kulamo xaasaasi ah halkaasi ka billaabmaanayaan, kuwaas oo u dhexeeya madaxda joogta ee ka socda maamullada is-khilaafsan.

Ugu dambeyn, madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa si aad ah ugu dhiirri-gelinayay shacabka deegaanka inay maamulkiisa taageero u muujiyaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!