Garab ka mid ah xarrakada Al-shabaab oo si rasmi ah ugu biirtay kooxda Daacish

by admin | Friday, Oct 23, 2015

Muqdisho : HN :–Garab ka mid ah xarrakada Al-shabaab ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ku biireen kooxda ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya ee Daacish/ISIS

Kooxdan waxaa saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ee woqooyi bari Somalia. Kooxdu waxay u muuqataa inay yar tahay hadda waxaana madax u ah sheekh Cabdiqaadir Muumin, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diineed ee al-Shabaab.

Garab_ka_tirsan_Al_Shabaab_660Kooxda sheegata dowladda islaamiga waxay dhowaantan si caddaan ah u qalqaalsanayeen jihaad-doonka Soomaaliya , iyagoo xataa iskudeyaya inay u adeegsadaan kooxda xiriirku kala dhexeeyo ee galbeedka Afrika ee Boko Haram inay sidaas oo kale sameeyaan.

Al-shabaab qudheeda waxaa xiriir kala dhexeeyaa kooxda loollanku kala dhexeeyo kooxda Daacish ee ururka Al-Qaacida, waxaana hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ay isku khilaafeen arrintan iyagoo xirxiray xubno lagu tuhunsan yahay inay iskudeyayeen inay goostaan.

Ugu dameyn, waxaa cad inay aqoonsan yihiin codsiga kooxda dowladda Islaamiga, taasoo saameyn karta awooddooda ay dad ku qortaan ayna sii ahaadaan halis weyn. Kooxahan oo dhan waxay u jeesteen inay dacaayado ku baahistaan warbaahinta bulshada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!