Garoon kubada cagta ah oo laga hergaliyay magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Apr 20, 2015

Beledweyne : HN :– Dhalinyarro isku tagtay, ayaa markii ugu horeysay magaalada Beledweyne ka her-galisay garoon casri ah loogu talagalay in lagu cayaaro kubada cagta, kaasoo lagu goglay rooga cagaaran.

Waxaa garoonka furitaankiisa xarriga ka jaray guddoomiyaha Olanbikada gobolka Hiiraan C/kariin Xassan Cabdulle Qalaad oo sheegay in garoonka noocan oo kale ah siweyn ugu baahneyd magaalada.

garoommm

garoonSiddoo kale furitaanka garoonka waxaa joogay oo ka qeyb-gallay rag qurb joog ah, waxgarad iyo ururada dhalinyarrada magaalada, iyadoo halkaana cayaar kubada cagta ah ay ku dhaxmartay labada kooxood ee Xaawo-Taako iyo Buundo-weyn, oo gababagadii cayaarta 5-3 ay guusha ku raacday xaafadda Xaawo-Taako.

garoonnDhismaha garoonka ayaa qeyb ka ah hormarka ballaaran ee waayadii ugu danbeeyay gobolka ku tallaabsanayo, waxaana marka laga soo tago in uu yahay garoon kubada lagu cayaaro oo kaliya siddoo kale waxaad ka heli karta Internet iyo waliba goob laga caweeyo oo aad ka heli karta Coffe ama noocyada kala duwan ee cabitaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!