Garoon lagu cayaaro kubada cagta oo la dhagax-dhigay magaalada Beledweyne

by admin | Wednesday, Apr 1, 2015

1Beledweyne : HN :– Waxaa maanta la dhagax-dhigay magaalada Beleweyne garoon lagu cayaaro kubada cagta oo noqon doona garoonkii ugu horeeyay oo casri ah oo laga hergaliyo magaalada.

Munaasabadda dhagax-dhigga Garoonkan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa siyaasiyiin, aqoonyahanno, qurbo joog iyo waliba saraakiisha ciidammada howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo dhagax dhigay garoonka ayaa sheegay in dhismaha garoonkan cusub oo qeyb ka yahay mashaariic kala duwan oo uu maamulka gobolka ka her-galinayo magaalada Beledweyne, isaga oo intaa ku darray in dhamaan marka la eego mashaariicdaas ay qeyb ka qaadan doonaan hormarka gobolka Hiiraan.

3“Annaga muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay Isbortiga oo qeyb weyn ka qaata is dhax-galka bulshada, sidda daraadeed waxaan is eeyahay marka uu dhismo garoonkan waxaa uu ka caawin doonaa bahda cayaaraha inay si furan u soo bandhigaan xirfadooda la xiriirta Isbortiga,” ayuu yiri Afrax.

Prof. Axmed Muumin Warfaa oo ka mid ahaa aqoonyahannadii ka qaybgalay munasabada dhagax-dhigga garoonka ayaa cabiray dareenkiisa la xiriira in uu goob joog ka noqdo mid ka mid ah mashaaraaciida gobolka laga her-galinayo, wuxuuna amaanay shaqada baaxada leh oo ay hayaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka oo kaashanaya ciidammada.

7Ugu dambeyn, marka laga soo tago dhismaha garoonkan cusub  waxaa gabo-gabo ku dhow dib-u-dhis ballaaran oo lagu wado xaruntii maamulka gobolka iyo suuq casri ah oo laga her-galinayo xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!