Garoonka diyaaradaha B/weyne oo xiran maalintii labaad

by Yahye | Friday, Oct 10, 2014

B/weyne:HN:- Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ayaa xiran maalintii labaad, kaddib markii uu saameyn ku yeeshay roob xooggan oo ka da’ay magaaladaasi.

Maareeyaha garoonka Maxmed Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay hakad galeen duullimaadyadii garoonka, waxaana duullimaadyada xanniban ku jira kuwo rakaab ah iyo kuwa ciidanka AMISOM.

Maareeyaha ayaa tilmaamay in gobolka Hiiraan aanu oollin qalabkii lagu dayactiri lahaa garoonka xilliyada roobka, isagoo ka codsaday AMISOM iyo maamulka gobolka in ay gacan ka gaystaan sidii dib loogu soo celin lahaa howlihii caadiga ahaa ee garoonka.

Dhanka kale, shacabka ku nool magaalada Beledweyne ayaa cabsi ka qaba in uu fatahaad sameeyo webiga Shabeelle ee mara gudaha magaalada, xilli uu gobolka ka curtay roobka xilliga Deyrta.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!