Garsoor dejinta. WQ: Omer Suleiman Ali

by Yahye | Wednesday, Jun 12, 2013

Waxaynu horay u soo aragnay aragtida ay gaaladu ka qabaan sharci dejinta oo ku dhisan aragtida Darwin. Iyaga oo ay ula muuqatay in uusan jirin cid adduunka abuurtay darteed ayay qasab ku noqotay in ay iyagu dejistaan sharcigii ay ku dhaqmi lahaayeen, marba haddii uusan garaad jiri karin sharci la’aan.

Haddana waxaan arki doonnaa insha Allaah waxa uu Alle ka sheegay sharciga Aadamigu ka dhaqanka qaadanayo. Haddii aan toos u abbaaro wuxuu Islaamku qabaa in sharciga xaqa ahi yahay midka uu Alle noogu sheegay aayaddan.

إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ وَمَا اخْتَلَفَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ وَمَنْ يَكْفُرْ بِآيَاتِ اللَّهِ فَإِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ(آل عمران 19).

Diinta Alle agtiisa aqbalka ka ahi waa diinta Islaamka, kitaableyduna waxay diideen ka dib markii ay soo gaadhay iyada oo ay ka tahay is nacayb iyo isu quudhi waa dhexdooda ah. Ruuxii diida aayadaha Allena in uu Alle gacanta ku dhigo waqti ma qaadanayso.

Aayaddan ayuu cilmiga sharcigu ku dhan yahay waxaana laga dheehanayaa in sharc Ilaah mooyee cid kale dejin karin xaqna u lahayn in ay dejiso. Ciddii isku dayda in ay dejiso sharci dad lagu xakamaynayo waa cid isu ekaysiinaysa Alle, taas oo macnaheedu yahay waa cid Alle sheegtay. Haddii qof, koox, dawlad, qabiil iyo wixii la mid ahi ay waxyaabo aanay xaq u lahayn ee Alle oo keliay xaq u lee yahay ay isa siiyaan waa mushriin ciddii daacad u noqotana waxay u tahay shurakaa.

Haddii sharciyada aadamigu samaysto la jebiyo Ilaah kuu cadaabi maayo kugulana xisaabtami maayo, hase yeeshee sharciga Islaamka ayuu kugul xisaabtamayaa haddii aad jebisana laguu cadaabayaa. Haddii dembigii aad gashay lagaa gutana kii aakhiro kaama gudayo. Marka cadaabkii Allena waa uu ku sugayaa ifkana dad ayaa si dulmi ah ku badaya cadaab aadan ku gaadhayn dembi dhaaf iyo toobad toona. Qofka Muslimka ah markii dembigiisa ifka looga gooyo aakhiro loo cadaabi maayo sidaas darteed ciqaabta aan ku fadhiyin kitaabka iyo garsoorka Alle ee adduunka dawladdu ku baddo waa dulmi aadan wax ku dheefayn oo dembi kaaga hadhayn.

Waa maxay sharci? Jawaabtu waa awaamir la dhiibayo oo ay tahay in la fuliyo awaamiirtaas  oo sheegaysa waxaas sameeya waxaasna ha samaynina. Waxa la samaynayo waa wixii khayr ah waxa la diidayaanna wxaa waxyaabaha xun xun. Haddaba in falka natiijadiisu tahay mid cidda samaysay u wanaagsan oo aayihiisa dambe wanaag ku dhammaanayaan kan la diiddan yahay in la sameeyana waa wax xun oo dhibaato ka imanayso.

Marka falka la samayanayo iyo midka aan la samaynaynba yaa garan kara in wanaag ka imanayo iyo in kale? Waxaa garan kara Alle oo keliya sidaas darteed isaga ayaa u xaq leh in uu dhaho sidaas ha la yeelo sidaasna ha laga fogaado, sidaas darteed Alle oo keliya ayaa u leh xaq in uu dadka iyo wax alla wixii uu abuuray u dejiyo sharcigii iyo nidaamkii ay ku dhaqmi lahaayeen.

 

Haddii aynu si fiican u fekerno dadku wax ka mid ah abuurka oo uu nidaamkii Alle u dejiyey uu ka beddeli karo ma jirto mana doonaan in ay wax abuurka ka mid ah ay wax ka beddelaan. Marka sidee ayay dadku ugu qanceen in ay iyagu sameeyaan xeer iyo garsoor aan kii Alle ahayn. Markii muddo ummadi ku dhaqanto sharci nooc kasta uu yahay ayuu ugu dambayn noqdaan dhaqanka ummadaas, sidaas darteed ayuu Alle cj noogu sheegay aayadda 76aad suuradda Yuusuf waana sidatan.

 فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(يوسف 76).

Wuxuu baarista ka bilaabay saabaankoodii ka hor inta uusan ka baadhin kii walaalkiis, markaas ayaa weelkii maqnaa laga soo dhex helay saabaankii walaalkiis, si uu marka Yuusuf u reebto walaalkiisa annaga ayaa garansiinay in uu walaalkiis ku reebto diinta boqorka mana uusna ku reeban kareen in Alle in uu reebto doonayo mooyee, ciddii aannu doonno ayaanu derejaynaa ruux kasta oo cilmi ku faana waxaa jira mid ka sii cilmi badan.

.marka haddii aad eegto diinta boqorka waxaa loola jeedaa sharciga boqorka, halkaas waxaa ka muuqata in diintu tahay sharciga ay umadi ku dhaqanto. Marka haddii ay diintu sidaas tahay way cad dahay in sharciga ay ummadi ku dhaqanto in uu u yahay diin, si kasta oo ay u sheeganayaan in ay muslim, kiristaan, Yahuud kala yihiin.

Isla mar ahaantaasna cidda Sharcigaas dejisay waxay la mid tahay cid diin cusub la timid dadka ku dhaqmaana iyaga ayuu caabudayaan oo u Ilaah ah. Wuxuu kale oo Ilaah noogu sheegay in Quraanka uu ka kooban yahay aayado sharci lagu garsoorto ah una ah kitaabka Quraanka asaas iyo kuwo isu macne eg oo ay adag tahay in la kala saaro. Waana tan aayadda arrinkaas ka hadlaysaa.

هُوَ الَّذِي أَنْزَلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ مِنْهُ ءَايَاتٌ مُحْكَمَاتٌ هُنَّ أُمُّ الْكِتَابِ وَأُخَرُ مُتَشَابِهَاتٌ فَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَابَهَ مِنْهُ ابْتِغَاءَ الْفِتْنَةِ وَابْتِغَاءَ تَأْوِيلِهِ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُ إِلَّا اللَّهُ وَالرَّاسِخُونَ فِي الْعِلْمِ يَقُولُونَ ءَامَنَّا بِهِ كُلٌّ مِنْ عِنْدِ رَبِّنَا وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ(آل عمران 7).

Sida ka muuqata macnaha aayadda shareecada Alle waxay ka mid tahay aayadaha kitaabka iyo sunnada rasuulka. Sidaas darteed kitaabka nalooguma soo dejin in aynu akhrinno oo keliya ee waxaa ka weyn in lagu dhaqmo oo Quraanka laga dhaqan qaato. Midda kale caqli ahaan dadka wuxuu Alle ka dhigay kuwo garaad leh, garaadka iyo sharcina ma kala hadhi karaan, sidaas darteed ma dhici karto in uu Alle abuur ahaan naga dhigo garaadley oo uusan hadana sharcigii lagu dhaqmi lahaa uusan noo samayn.

Arrinta kale ee muhiimka ahi ee loo baahan yahay in la garto in Alle isagu wax kasta xukumo waxa weeye. Ka soo qaad nin dilay nin kale oo aan waxba galabsan. Marka haddii ninkii aan la marin ciqaabka Alle ugu talada galay ee lagu xukumo xabis daayin, xukunkaasi kama riday ciqaabkii dembigaas ee Alle ku lahaa, laakiin haddii sharcigii Alle lagu qaado o olagu fuliyo dembigii oo galay ee dilka ahaa waxaa suurto gal ah in Alle ka cafiyo. Sidaas ayay u cad dahay in xukunka aadamigu yahay baakil aan xaq ahayn kan Allena yahay kan xaqa ah in la iska indho tirana wax lagu dheefayn.

Arka aayadaha ka hadlaya dagaalkii Uxud sidii wax u dheceen markaas ayay kuu cadaanaysaa in Alle isagu wax kasta xukumo.

وَلَقَدْ صَدَقَكُمُ اللَّهُ وَعْدَهُ إِذْ تَحُسُّونَهُمْ بِإِذْنِهِ حَتَّى إِذَا فَشِلْتُمْ وَتَنَازَعْتُمْ فِي الْأَمْرِ وَعَصَيْتُمْ مِنْ بَعْدِ مَا أَرَاكُمْ مَا تُحِبُّونَ مِنْكُمْ مَنْ يُرِيدُ الدُّنْيَا وَمِنْكُمْ مَنْ يُرِيدُ الْآخِرَةَ ثُمَّ صَرَفَكُمْ عَنْهُمْ لِيَبْتَلِيَكُمْ وَلَقَدْ عَفَا عَنْكُمْ وَاللَّهُ ذُو فَضْلٍ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ(آل عمران 152).

Wuxuu Alle cj ku bilaabay aayaddan; intii aad dartay wax u laynayseen ballankii aan idiin qaaday ee ahaa in aad gaalada ka adkaanaysaan waa idiinka dhabeeyey, ilaa aad cabsateen, fulinta amarkiina isku qabateen ka dibna markii aad aragteen wixii aad jeclaydeen aad jebiseen amarkii la idin siiyey, waayo waxay isugu jirteen kuwa adduunyo doon ah iyo kuwo aakhiro doon ah, markaas ayaa la idinka sii jeediyey xagoodii si la idiinka qaado tijaabo Allena mu’miinta loogama roona.

 ثُمَّ أَنْزَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ بَعْدِ الْغَمِّ أَمَنَةً نُعَاسًا يَغْشَى طَائِفَةً مِنْكُمْ وَطَائِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنْفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِاللَّهِ غَيْرَ الْحَقِّ ظَنَّ الْجَاهِلِيَّةِ يَقُولُونَ هَلْ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ مِنْ شَيْءٍ قُلْ إِنَّ الْأَمْرَ كُلَّهُ لِلَّهِ يُخْفُونَ فِي أَنْفُسِهِمْ مَا لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ مَا قُتِلْنَا هَاهُنَا قُلْ لَوْ كُنْتُمْ فِي بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ الَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقَتْلُ إِلَى مَضَاجِعِهِمْ وَلِيَبْتَلِيَ اللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ(آل عمران 154)…

Aayaddanna waxaa doonayaa in aan soo qaato qaybteeda leh. Iyaga oo leh xukunka iyo horta amarka wax ma ku lee nahay, markaas ayaa nebiga la farayaa in uu dhaho amarka oo dhan Alle ayaa iska leh, waxayna kaa qarinayaan wax aanay doonayn in ay kuu sheegaan, oo ah haddii aannu xukunka iyo amarka wax ku lahaan lahayn meeshaan nalaguma gumaadeen, ee waxaad ku dhahdaa haddii aad guryihiinna joogi lahaydeen ruuxii ay u qornayd in uu maalinkaas dhinto jiifka ayay ugu imaan lahayd dhimashadu…

Waxaa kale oo xusid mudan in uu Alle markii uu Aadam iyo Xaawo ka soo saaray jannada ee uu nebigu Allihiis weydiistey dembi dhaaf uu Alle isaga oo ka ogolaaday dembi dhaafkii uu haddana ku dhahay waxaad muddo ku soo dhaqmi doontiin dhulka halkaas oo aan idiinku soo dejin doono hoggaankii aad ku socon lahaydeen iyada oo ruuxii qaata hoggaankayga aan siin doono abaal gud cid bixin kartaa jirin kii diidaana uu geli doono cadaab cid kale oo wax marin kartaa jirin.

قُلْنَا اهْبِطُوا مِنْهَا جَمِيعًا فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ مِنِّي هُدًى فَمَنْ تَبِعَ هُدَايَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ(البقرة 38). وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا أُولَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ(البقرة 39).

Labadan aayadoodna waxay cadaynayaan in Alle soo dejiyey manhaj dhammaystiran oo uu dadka ku kala saarayo kii raaca iyo kii diida uuna kala siin doono abaal gudyada ay kala istaahilaan. Haddii aan soo qaadanno saddexdii rasuulka uga hadhay dagaalkii Tabuug markii ay qirteen gefkoodii rasuulku ma xukumin ee wuxuu ka sugay xukunkooda Allaah markii ay soo degtay aayadda looga dembiga dhaafayna ayaa la iska cafiyey. Sidaas darteed rasuulku dadka ma xukumayn ee Allaah ayaa hadda iyo weligeedba adduunka xukuma.

وَعَلَى الثَّلَاثَةِ الَّذِينَ خُلِّفُوا حَتَّى إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنْفُسُهُمْ وَظَنُّوا أَنْ لَا مَلْجَأَ مِنَ اللَّهِ إِلَّا إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوا إِنَّ اللَّهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ(التوبة 118).

Sidaas darteed rasuulku dadka ma xukumayn ee Allaah ayaa xukuma waxaana in uusan rasuulku xukumin noo sheegaya aayado fara badan oo ay kuwani ka mid yihiin

لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ(الغاشية 22). نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ وَمَا أَنْتَ عَلَيْهِمْ بِجَبَّارٍ فَذَكِّرْ بِالْقُرْءَانِ مَنْ يَخَافُ وَعِيدِ(ق 45). فَإِنْ تَوَلَّوْا فَإِنَّمَا عَلَيْكَ الْبَلَاغُ الْمُبِينُ(النحل 82).

 Macnaha aayadahan saddexda ah waxay kala yihiin:

Qasab kuma lihid (22), annaga ayaa iyaga kaa og waxa ay ku hadlayaan adiguna iyaga shaqo kuma lihid ee inta waxa la ballanka qaada ka baqaysa Quraanka ku waani.

Intaas iyo in kaleba waxay caddaynayaan in uusan rasuulka csw, khulafadii midkoodna dadka xukumin ee ay mar walba Alle ka xukun qaadanayeen. Marka in maanta ay dawlado na xukumaan oo madax na xukunta aynu doorashadooda ku mashquulna way ila qaldan tahay. Qofka amiiirka noqonayaa waa ruuxa sharciga ka ah madaxda culumada kale ee iimaanka u ah ehelkuna waxay nooqn daraan Shuuro ilaalisa in xuduudda Alle cidi jebiso. In la ogolaado in ruuxa xilhdibaanka ahi yeesho xuquuq uusan lahayn dadka muslimiinta kale ah ma aha xuquuq Alle siiyey ee waa mid uu shaydaan siiyey in aynu yeelnana ma aha.

Waxaan u sheegayaa Shabaabta in ay iyagu dadka xukumaan oo ay ku qasbaan wax uusan qofku doonayn, waxaas lagu qasbay ajar iyo derejo Alle kuma gaadhayaan sidaas darteed ka daaya dadka qasabaka aad qasbaysaan.

Sidaas darteed xukunka Ilaah ayaa iska leh ee ha loo dhaafo. Dadka soo  bartay diinta gaalada ee la baxay lawyer ama avucato waa in aan loo aqaoonsan in ay yihiin garyaqaanno waayo runtii ma aha ee waxay soo barteen diin gaalo.

Ciddii doonaysa in ay ila soo xiriirto waa kan e-mailkaygu. Omersul04@gmail.com

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOMER SULEIMAN ALI                                                                                                                                                                                                                          11/06/13

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!