Garsoorka Qeybta 1-aad. WQ; Omar Sulaiman

by Yahye | Saturday, Dec 15, 2012 | 11 views

In badan ayaan ka hadlay dhaqamada laga dhaxlay gaaladii gumaysiga ahayd ee loogu talada galay in Islaamnimada lagu dumiyo. Garsoorku waa qodobka ugu muhimsan oo haddii laga tago garsoorka Alle ay tahay gaalnimo cad.

Haddii aan soo qaato aayaddan hoos ku qoran gaar ahaan odhaahda الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ wuxuu macnaheedu noqonayaa   الْعَزِيزُoo ah midka aanay wax dhibaa jirin iyo الْحَكِيمُ oo ah midka jaan gooyadiisa loo wada xakamaysan yahay, sidaas darteed wax kasta oo ka mid ah abuurku wuxuu u xakamaysan yahay sida Alle ugu talada galay, si kale oo dhanna ma soconayso.

رَبَّنَا وَابْعَثْ فِيهِمْ رَسُولًا مِنْهُمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ ءَايَاتِكَ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَيُزَكِّيهِمْ إِنَّكَ أَنْتَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ(129).

Waxaan kale oo kala soo baxayaa aayaddan kale ee hoos ku qoran in uu Alle markii uu dhammays tiray abuurkii in uu ku ekaaday Carshigiisa uuna kala amray abuurkii sidii uu markii uu Aadan abuuray uu u amray in uu noqdo qof aadami ah uuna u noqday.

إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَى عَلَى الْعَرْشِ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ مَا مِنْ شَفِيعٍ إِلَّا مِنْ بَعْدِ إِذْنِهِ ذَلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ(3).

Marka يُدَبِّرُ الْأَمْرَ  waxaa loola jeedaa wuxuu kala bixiyey amaradii ay ku kala wada hawl geli lahaayeen. Haddii aan idin xasuusiyo markii rasuulka csw la weydiiyey وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الرُّوحِ قُلِ الرُّوحُ مِنْ أَمْرِ رَبِّي وَمَا أُوتِيتُمْ مِنَ الْعِلْمِ إِلَّا قَلِيلًا(85) ruuxu waa maxay, wuxuu ugu jawaabayالرُّوحُ مِنْ أَمْرِ رَبِّي ruuxdu waa amarkii uu Eebe bixiyey markii uu Aadam abuurkiisa dhammays tiray.

Amarkaas uu Alle bixiyey ayay wax waliba ku socdaan cid wax uga beddeli kartaa jirin. Sida uu Alle dejiyey xeerka iyo nidaamka wax waliba ku socdaan ayuu xeer iyo sharcigii aadamigu ku socon lahaana ugu dejiyey. Waxaa la dhahaa caqli iyo sharci ma kala hadhaan sidaas darteed dadka u malaynaya in Alle inta uu abuuray Aadami caqli leh in uusan sharci u dejin waa gaalada oo keliya.

Dad muslimiin iyo gaalo leh ayaa dhaha sida ka muuqata xadiiskan hoos ku xusan in dadka loo dhaafay waxyaabo in ay iyagu ka go’aan gaadhaan.

وقد بيَّن الرسول صلى الله عليه وسلم هذه القضية حينما أرسل معاذ بن جبل رضي الله عنه ـ قاضياً لأهل اليمن، وأراد أن يستوثق من إمكانياته في القضاء. فسأله: ” بِمَ تقضي؟ قال: بكتاب الله، قال: فإنْ لم تجد؟ قال: فبُسنة رسول الله، قال: فإنْ لم تجد؟ قال: أجتهد رأيي ولا آلو ـ أي لا أُقصّر في الاجتهاد.
فقال صلى الله عليه وسلم: ” الحمد لله الذي وفَّق رسولَ رسولِ الله لما يُرضي الله ورسوله “. 

Xadiiskani wuxuu ka sugnaaday rasuulka scw markii uu Macaad Bin Jabal u dirayey Yaman in ka noqdo garsoore ayuu kula sii dardaarmay uuna doonayey in uu hubsado sida uu wax ugu kala garsoori doono. Wuxuu weydiiyey “maxaad wax ugu kala garsooraysaa?”, markaas ayuu dhahay kitaabka Alle, markaas ayuu haddana weydiiyey haddii aad ka weydana markaas ayuu ku dhahay sunnada rasuulka scw, markaas ayuu haddana ku dhahay haddii aad ka weydana markaas ayuu ku dhahay ra’yigayga ayaan ku garsoorayaa iyada oo aanan ka  xuduudda Alle ka gudbayn. Markaas ayuu rasuulku dhahay mahad waxaa iska leh Allaha rasuulkiisa rasuulkii uu diray waafajiyey wixii Alle iyo rasuulku raalli gelinayey.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in la garto ula jeedada iyo macnaha xadiiska inta aan la dhaqan gelin. Waa in la garto in ijtihaadku xaq noqonayo keliya markii uu waafaqo ku talo galkii Alle. Matal dad ayaa dhaha samaafaraha baabuurta kala haga kitaabka iyo sunnada rasuulka midna kuma dhigna, waana ku raacsanahay hase yeeshee wuxuu ku dhigan yahay kitaabka guud ee loo yaqaan Luuxal Maxfuud. فِي لَوْحٍ مَحْفُوظٍ . Marka haddii uusan dadaalkeennu waa faqin kitaabka Alle ma shaqaynayo. Sidaas darteed wax annaga naloo dhaafay uma arko ee waxaan u arkaa in xadiiska qalad laga fahmay. Haddii Abuu Bakar raalli Alle ha ka ahaado eh uu rasuulku magacaabi lahaa wuxuu ahaan lahaa rasuul kale waayo rasuulku wax aan waxyi Alle ahayn kuma shaqayn jirin sidaas darteed haddii uu isagu magacaabi lahaa wuxuu ahaan lahaa rasuul kale taasina suurto gal ma ahayn, waayo Alle ayaa noo sheegay in uu rasuulku yahay kii ugu dambeeyey.

Sida la wada ogsoon yahayna xulista madaxda qof waliba kama qayb qaato waxaa ka qayb qaata dadka madax dhaqameedka ah iyo inta iimaanka sare lagu yaqaan ee munaafaqiintu ma dooran karaan Amiirul Mu’miniin. Sidaas darteed habka Soomaalidu wax u doorato ma aha mid waafaqsan diinta Islaamka. Dhibaatooyinka ka dhasha ayayna xal u la’ yihiin, waayo waxay qilaafsan tahay jaan gooyada Alle.

Haddii aan u soo laabto garsoorka waxaa muuqata in uu yahay amarkii Alle uu Aadam ku dejiyey laga soo bilaabo Aadam ilaa laga gaadhayo qiyaamena amarkaas ayaa shaqaynaya.

Intaasi waa iga gogol xaadh.

GUNAANADKU Waxa weeye caalamka oo dhami wuxuu ku shaqeeyaa amarkii Alle siiyey maalinkii uu dhammays tiray abuurkiisa. Wax walibana amarkaas ayay u hoggaansan yihiin.

Arrinkaas waxaan ku sii lafa guri doonaa qaybta II Garsoorka.

Qore : Omer Suleiman Ali

Like it? Share it!