Geel jire qaab nololeed soo jiray taariikh dheer. WQ Maxmud Xaji Cilmi

by Yahye | Sunday, Apr 15, 2012

Gadaashiisa waxa daaqaya waa geel, meesha uu cagaha ku hayaa waa ciidiisa hooyo Somalia – Hiiraan, waxa garabka u saran waa gudin, burihii uu caanaha ku maali lahaa , waxaanu diyaar u yahay in u wajaho nolosha maalintaa. Indhihiisa waxaa ka muuqda hamuun uu u qabo aqoon ka duwan tan uu mastarka ku heysto oo ah raacidda geela , waxa uu dareemayaa cidlo, waxbarasho la’aan iyo isagoo ka fog bulsho uu la sheekeysto waxase u hiiliyay dhulka noloshu ka muuqato oo ay xooluhu marba geed laacayaan, hawada nadiifka ah , shimbiraha hareerihiisa ka ciyaya iyo koorta geela ayaa ah dhawaqa keli ah ee uu weheshado oo isagu u ah dhawaq dhaguhiisu ku raaxeestaan sida musiga, geedaha uu gebigoodba bar yaqaan mid walbana si gaar ah uga faaideysto ayaa ah aqoontiisa guud ee uu la leeyahay dabiicadda ku gadaaman, waxaa intaa u dheer, inta ay indhihiisu gaaraan oo aanay jirin cid ku heysata inuu siduu doono ugu dhex safro. Dhagahiisa waxay ka nabad galeen buuqqa iyo qeylada ka jirta magaalooyinka waaweyn. Jirkiisu waa mid dhissan oo caafimaad qaba, waa seed aan lagu arag barruur, waxa uu ku can baxay ilka cad cad oo aad u qurux badan oo inta badan loo aaneeyo maaddada calciumka ee laga helo caanaha geela, dhoola caddeyntiisa ayaa ah qurux gaar ah oo anay cidna la wadaagin ummadda Somaliyeed inteeda kale .

Magaciisa loo wada yaqaan waa geel jire, intaa kuma ekee waa shaqadiisa uu kuu xoogsado, arji umuu qoran helitaankeeda ee waxaa uu ka dhaxlay oo u si abuuray aabihi, waa shaqo aanuu garaneyn gooruu bilaabay, balse uu is arkay isagoo dhex taagan.

Nolosha uu ku noolyahay ayaa ah mid ku kordhisa naftiisa adadeeg iyo karti dheeraad ah , inta badan ma seexdo aqaldugsi ah, hebeenba meel cusub ayuu kula dhaxaa geeliisa isagoo intaa la goobayo daaq wanaagsan, daryeelka xoolahiisa ayuu u ilaabay wax kastoy noloshiisa tabaysay. Waa nin iskutashtay una bareeray in uu ku noolaado nolosha saa u adag.

Intaa haddey ka muuqato toloow maxaa ku dhex qarsan. Waa cayaartoy cayaaraha fudud aan la tijaabin , dhicina karta inuu jebiyo recodhka orodka 5000m u yaalla manta dunida.Mar la wareystay qaar ka mid ah geel jiraha Somaliyeed qaarkood waxeey noo caddeeyeen inaanay daalin hadday orod dheer galaan inay iyagu iskood u joogsadaan mooyee.Booddada sare waa middey u jecelyihiin inay ku tartamaan markey isugu yimaadaan ceelasha.
Waa boqor markuu gugu da’o

Astaamaha roobka markuu ka arko circa oo ay daruur madow dushiisa timaado ayuu dib u eega geelisa kuna xisaabtama kuwa dhalyo gugan, durba wuxuu sawirtaa oo niyaddagashtaa dhulkoo meel walba xareeddu taallo geedihii oo midab rogtay oo cagaar isu baddalay haliihiisa oo intooda badan dhalay caanahana meel uu kala geeyo la’yahay. Waa markuu abwaanku lahaa “Xoolahaada oo dhalay marbaad xoor ka maashaa xarragadu ku limisaa adduunyooy.”Maba u maleeyo cid ka dadnimo fiican inay jirto maalintaa adduunka. Xilliga roobka iyo barwaaqada lagu jiro, inta caano ka dhergo ayuu geed haraca hoos seexdaa, markaasuu hurdaa hurdo bina’adam hurdo tan ugu macaan, shanqarta uu maqlaa ayaa ku kooban koorta geela, waxaanad mooddaa inuu ku raaxeysto oo hadduu maqli waayo laga yaabo in uu hurdada hal haleel uga kaco. Shaqada ku eg geel soo celcelintana waxaa u ratiban kurayo yar yar inta uu nasashada ku jiro, amarkiisana wuxuu noqdaa mid loo fuliyo sidii loogu tala galay oo meesha waxaa ka jirta kala dambeyn shaqo.

Dooxo mira leh- dullo jicib leh- diil badar leh, intaba waa meeluhuu marba meesha roon geela geeyo. Guga waa xilliga ay tirsadaan inta badan reer miyiga Somaaliyeed, sannadkooda ayeey ku sheegaan ayagoo oranaya intaas oo gu’ ayaan jiraa. Waxaad ka heleysaa meelo badan oo lagu soo qaadanayo suugaanta Somaliyeed isagoo loo heysto astaanta barwaaqada iyo nolosha la dhowro sanadka intiisa badan, dhibicdiisa roobka ayaa ah mid xooggan dhulkana laga dareemaa inta yar uu da’o

Waa geessi aan gabban
Waa geessi aan gabban, intuu soo jirayna maba arag wax ay naftiisu dhibsato, waxaanuu weligii ku noolaa dhul uu geed geed u yaqaan.

Isagaan gob ku nahay – maxaa yeelay iskufilaasho nololeed ayuu heystaa si kastaba ha u dhib badnaatee. Ar amuu caafimaadkuba dhibkaa ku jiraa. Akhristaha qurbaha joogoow ma u aragtaa in geel jiruhu heysto jiim lacag la’aan ah Qeyb buu ka yahay dhaqankeenna soo jireenka inankan geel jiraha ah oo waxaabad mooddaa inuu ilaahay noogu talagalay in geela oo kaliya naga saari karo cimiladan adkeysiga badan u baahan. Gaashaanqaad markuu noqduu gooni isu taago, hammiguusu waa geel, halihii awaugii ayaa qaar loo baxshaa, dabadeednaa tarankooda buu ka dhur sugaa taladana saartaa isagoo yaqaan tab iyo xeel uu ku dhaqo . Dhaqankeennu geela waa lagu faanaa, waxaanad mooddaa in laga jecelyahay ariga iyo lo’da. Si sahal ah looguma iib geeyo suuqa ee waxay u hestaan sida Saving Account, halka ariga iyo lo’da ay u yihiin Current Account una isticmaalaan si ay wax ugu gattaan.

Dhaqanka Somaliyeed ayaad mooddaa in geelu ku abtirsado, noloshaa raaxada aan laga dhadhamin Karin haba yaraatee, waana midda keentay in geeljuruhu inta badan col u jog ahaanjiray, geela uu dhaqanayana waxuu u dhaxeynjiray nin dhaco iyo mid soo dhiciyo, waa taarikh na soo martay oo aan la dafari Karin, xalkeeduna sugayo jiilka wax bartaay ee ku abtirsada ummadaa. Qeb buu ka yahay iskuduubka hantida gudaha (Parta of Gross Domestic Product (GDP).Dhaqaalehenna qeyb buu ka yahay geela, waa hantida ugu badan oo ay dad somaliyeed milki u leeyihiin kuna soo koriyeen caruur aad u badan. Caana geela ayaa la keenaa magaalooyinka lana jecelyahay iibsigooda, hilibkiisa ayaa isagana laga bayac mushtaraa oo dadka qaar si gaar ah u xiseeyaan.

Maxaa ka maqan oo aad ku kordhin lahayd noloshaa cidla joogta ah
Nolosha reer miyiga ee Somalia ayaan laga dheehan karin wax horumar ah ey sameeysay intey soo jirtay, wax waliba waa sidoodii. Boqol sano ka hor sidii loo raaci jiray geela ayaa loo raacaa, lo’da iyo arigana waa lamid inkastuu mowduuceennu ku kooban yahay qaab nololeedka geeljiraha.

Noloshiisa waxaa ka maqan hoy uu ku soo hirto, noloshiisa waxaa ka maqan meel uu wax ka barto isagoo weli geelii la jooga – geeloow ma inaan kaa tagaa xalku haddaan waxbarasho ku hammiyo mise dowladdaa talada heysa baagaran arrintan xalkeeda. Mar haddaan hayo shaqo aan lay ogayn haddaan ahay geel jire ma xal baa inaan soo dayaco geela soona galo magaalo anigoonan haysan xirfad looga noolaado magaalo? Sida la ogyahay geela wuxuu ka mid yahay xoolaha aan dhoofinno kuwa ugu qaalisan ama ugu qiimaha badan seyladaha adduunka , maxay xukuumaddu talada ugu dariwysay daryeelka muwaadinkan dulman in xaqiisa la siiyo loona sameeyo wax ku qancin kara inuu ku sii dhiirrado noloshan soo jireenka aheyd ee aan marnaba si looga maarmin.

Waa muwaadin dahsoon, inta badan dadku ma yaqanaan, haddaad maqashay danjirka dahsoon waxa afka qalaad loogu yeero Unknown Soldier oo micneheedu yahay haddaan siibayaaniyo askarta an la qoon ee dagaalada ku dhimatay waxaa u badanaa isaga geeljiruhu maxaa yeelay ciidamada Somaliyeed isaga ayaa ugu badnaa , waxaana loogu xilan jiray tababarka dabiiciga ah oo ay qabeen, adadeegga ay dheeraayeen dadka intiisa kale, waana laga dareemay kartida ay muujiyeen ciidamada lugta (Infantry) xilligii Maxamed Siyaad Barre naxariistii janno allaha siiyee markaey dagaalka la galeen ciidamada Ethiopia. Geel juruhu ma helin daryeel umana tira koobna qaranka, loomana sameyn meelo soo jita oo ay ku kulmaan marka laga reebo ceelasha ay geela ka biyo siistaan oo iyagoon iska war qabin soo buuxdhaafin jireen ceelka hareerihiisa oo mar mar keeni jirtay in dagaal ka dhasho ku hormaridda waraabinta geela. Waa nin qeyb weyn ka haya dhaqaalaha dalka laakin cid u og aanay jirin, geeridiisa lagama naxo – oo waa kuwaa ku mah maahay “ Geeri nimaadan garaneyn iyo geel jiray ku roon tahay” . Balmuxuu kaga duwan yahay kan lo’da dhaqa ama beeraleyda ah Waan u soo soconnaa horumarinta reer miyigee ha soo dayicin xoolaha, adigaa ugu sharaf badan shacabka Somaliyeed annagaana kuu oge ku adkeyso gobannimada.

Mohamud Haji Elmi
UK London
melmi@mail.com
Tel: 0044+7949436464

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!