Go’aan laga gaaray sharuudaha guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha

by wadani | Saturday, Dec 31, 2016

Muqdisho : HN :-Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta go’aan ka gaaray sharuudaha laga doonayo musharixiinta guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Xildhibaannada ayaa dood dheer kadib waxa ay ku ansixiyeen in Musharaxiinta u taagan xilka Madaxaweynaha Soomaaliya laga qaado lacag dhan 30 kun oo Dollar halka Musharaxiinta u taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka laga qaadayo 15 kun oo Dollar.

Marka la eego lacagta ay maanta ansixiyeen ee la doonayo madaxweynaha waxaa horay isugu raacay hogaamiyayaasha madasha, waxaana muuqata in xildhibannadu waxba ka badalin.

Ugu danbeyntii, kulanka maanta ay yeesheen baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah kii 2aad ee ay yeeshaan tan iyo markii la dhaariyay toddobaadkii hore hase yeeshee weli xildhibaanada baarlamaanka ma soo saarin xilliga la qabanayo doorashooyinka iyo weliba guddiyada doorashada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!