Godabtii loo geystay Gabooye!. WQ Abdirashiid Dhanaane (sheeko jacayl oo laxow baan)‏

by Yahye | Monday, Jan 16, 2012

Duniya Maxamed Jamac( Kabatoli) waxay ahayd gabadh da,yar ah muqaal ahaan majirin gabadh laqiimo iyo qurux ah magalada Dhanaan waxayna lahayd qurux uu ilaahay kumanaystay itaal dheer, ilka siman, afmadow, Kubab waa wayn, xubno jalaqsan, garbahana lama rogaaline way shubnaayeen, waji dhalan oo ay kudheehantahay labeen casaan xigeen aha, ilka heedu waa cadiin marka ay qosa shana waxaad dhihi yaa afkeeda caano ku gadhoodhsada, marka ay talabada qaadi waxaad moodaa in loo tababaray habdhaqankii wanagsanaa ee ay lahayeen hablihii somaliyeed mar hadaad aragtid adiga oo shugansi gaad gaad aha wa lahubaa in ay hanjaleelo kaa soo dadan labiskaad qabtaana dhinacyada ayaad ka eegi lahayd garbahaaguna midba gees ayuu ugundhismilahaa.

Waxa uu alle kumanaytay duniyo xishood afgaabnaan fur furnaan iyo waliba dabeecad aad uwanaagsan oo aadan marna kadaalaynin la hasowgeeda waxanaa looga yaqanay magalada Dhanaan magaca ay ubixiyeen raga kudhaqan magaladaas oo aha caddow lagumacuno oo ay oo la jeedaan qurux khasaartay oo uuna nina hawo kaqabin laakiinse ninkii arkaa ay ku kacayso qaman dhacoyo bilaa qardoofa aha.
 
Maxamed jaamca kabatoli waxa uu caan kayahay magalada Dhanaan iyo aageeda waxa uuna caan kuyahayay ugaadhisiga iyo waliba kabatolida ama tumaalinimada magaladaasi maalin maal maha kamid aha waxa uu ugaadhsi tagay duledka magalada dhamaan waxa uuna helooday goodir xoogoon oo daaqahaya galaha laagta Gilla meesha lagu magacaabo adhi xumays isaga oo la lagdamahaya goodirkii ayaa waxa kusoo baxay labo nin oo kamid aha dadka daganaa magalada Dhanaan wayna isbariidiyeen waxa uuna kusoo dhaweeyay hilib solan oo uu sifiican oogu dubay dhuxul golool hasa yeeshee 2dii nin waxay oo gu jawaabeen anagu macuno cuntada midgaha ee ninyaho iska qoosh qoosho bakhdigaaga wayana katageen ayaga oo isleeh wadhi anaga ayuuba midgaan nasoo dhawayn iyo hadalo kale oo kajan iyo yasid aha .
 
Maxamed jamac waxa uu layaabay abaal kuu laha aad ugashid nimanka ay iskudagmada yihiin iyo waxa ay oogu danbariyeen isaga oo tacajubsan ayuu kusoo laabtay magaladii waxa uuna galay fakir aha sababta ay 2dii nin saas oogu galeen hasayeeshee waxa uu dhafin wayay hadaladii ay dashadeen dhagihiisu ee aha midgaan bakhticune aha waxa uuna iswaydiiyay sababta loogu yeedho midgaan nasab dhiman aha madaama uu yahay nin soomaliyeed walibana maala muriqiisa xalasha aha kamana foolxumi,kamana tabar yari ee maxay tahay aafadan lamaanaha laaiga dhigay ayuu isku maaweelinhayay maxamed.

Waa amin casar aha oo ay qoraxdo baalka dhigtay ayna dhulka ku gantay falaadhaha cas cas duniyo maxamed jamac kabatoli waxay soo aaday magalada si ay oo ga soo iibsato cashadii ay habeenkaas Karin lahayd waxay soo agmartay koox rag aha oo meel gidaar aha ku ciyaarahaya shax ama jaro waxaana dhamaantood sameeyay quruxdii iyo muqaalkii ay lahayd maalin taas duniyo mid walibana waaxa uu kujwaabay balo kugu dhacaday waa qurux khasartay hasa ahaatee waxaa shaki la,aan ahayd in dhamaan raga magalada ay wada doonahayeen sidii ay kuheli lahaayeen gabadhasi hasa ahaatee mid waliba waxaa dabrahaya dhaqanka xaaraanta aha eenan lahayn taarikh iyo raad toona ee aha in aysan isu dhalin ama aysan shahwaba isu qabanin wiil ajji aha iyo gabadh gabooya aha .

Bishaar ugas farax waa wiil dhalin yara aha waxa uuna kamid yahay dhaliyarada magalada ee guurdoonka aha waxayna daris yihiin duniyo oo waxay wada daganaayeen xafada reer masajid aqoon dheerna way isuleeyihiin waxayna yaraantoodii isla raaci jireen xoolaha bishaar qudhiisu muqaal ahaan kama liito duniyo lakiin waa nin xidh xidhan maalinkastana way is arkaan duniyo hasayeeshee lama hadli karo oo wax shukaansi aha kuma soo hadalqaadi karo maadama uu yahay wiil uu dhalay nin ugaas aha.
 
Waa Galab casar aha bishaar waxa uu fadhiyay hoos qoodaalka gurigooda waxanaa bowda soo istagtay duniyo ood moodi reer yurb dhalalka wajigeeda kabixina adan malaynkarin bishaar waxaa niyadiisa dhufatay dhalaka iyo wanaaga kasoo baxahaya duniyo waxaana isla markiiba maskaxdiisa kashidmay filim khiyaali aha oo uu kudoonahayo in uu guri lagalo duniyo isaga oo isleh sanadan waxa iisoo go,day masago aad ubadan oo beeraydu waxay dagaysay 5jeer lo,dii iyo geeliina mid waliba waxaa laga qaataa xidhaale ee sanadkan waa in aad labaxdaa gabdhan duniya aha waxii dhiciba hadhacee filimkaas waxa uu ushidnaa wakhti dheer ilaa habeenkii oo dhan waxa uu kumashquulsanaa duniyo laakiin mar allaale marka uu soo gaba gabeeyo filimka waxa soo hor istaagaysay su,aal aha seed kuguursan gabadh gabooyaha aha ado uu aabahaa uu yahay ugaaska magalada markaas ayuuna dib oo bilaabahay walbahaar murugaysan.

Run ahaantii bishaar aad ayuu ooga jeclaa duniyo niyada laakiin waligii oo masheegin lagamana maqlin hadalqaadka duniyo marka lagareebo habeenkii oo uu ku qarwijiray magaceeda iyowaliba marka uu arko duniyo oo uu wax iskabadali jiray dareenkiisa shakhsi ahaaneed.
 
Duniyo iyada qudheeda waa lagu jiray oo waxa ay usoo istaagaysa bowdka ama sarsarka waxa uu ahaa in ay mar uun aragto bishaar duniyo jacaylkay ay uqabto bishaar cid og malaha oo hadii lamaqlo waxaa rajmin gabdhaha kale ee kunool magalada kuwaas oo badankoodu uwada hanqanltaga hayaan helista bishaar sidaas awgeed ma aysan lahayn awood ay kusoo bandhigato jacaylkeeda iskabadaye waxay kabaqi haday kudhahdo bishaar waan kujeclahay in uu kow gaga siiyo ama ay kala kulanto waxyaabo kadarna.
 
Bishaar waxaa kudhacay cudurkii ladhihi jiray jacayl oo waxa uu la ilxunyahay jacaylkii duniyo oo iskadaa in uu ushegee waxa uu leeyahay hadii lagaa maqlo magaceeda hadhcad ayaa lagu xabaal olalin oo uurtiisa waxaa kajira walaac aad ubadan kuwas oo kala aha hadaad soo bandhigto jacaylka duniyo waxay kugu keenaysaa cawaaqinxumo anan kasoo waaqsilahayn habeenkiina wuu ilmeeyaa maalintiina dhulka ayuu jeexaa bishaar ugas waxa isbadalay dhamaan dabeeca dihiisii muqaalkiisii iyo hanaan usocodkiisii waxaana dareemay aabihii ugaas faarax oo aad ujeclaa wiilkiisa uu kucurtay waxa uuna maqlay isaga oo galab ku geeraara haya GOOBTAAN ISTAAGABA ILMAAN GOBO KUSIIYAAYE, GEED KAAN FADHIISTANA DHULKAAN GUDUB UJEEXAAYE MAXAA JACAYL GABOOYE IBADAY IN AD GOD MADOW GALO.
 
Ugaas farax waxa kusoo fakatay talo aduun isaguna waxa uu bilaabay in uu gees ufikiro isaga oo leh seed ooga bad baadisaa wiilkaaga inantan midgaanta aha alla anaa ceeb ugurigalay mahada ayuuba himigiisii galiyay inan gabooya aha alla magacay bbe war nin aduun kunoolow maxa aragti kuu laaban ma ninkaan kuwadan in aan uguuriyo gabadha oogu qurxda badan gobalka ay soomalidu dagto ayaa hada inan gabooya aha jacayl uqaday iyo mayee wiilkayga waa lasixray kolla sidan kumaqumano iyo waliba erayo kalr oo qurafaad aha.

Duniya waxay la ilxuntahay jacaylkii ay uhaysay bishaar waxayna adhi tira aha kumayracaysaa marta bali sonkor oo aha duleedka magalada dhanan waxaa garabka oogu duuban xadhig dhagati aha oo ay kasamaysay qarari dhaxdana waxa oogu duuban maydhax farabadan daankana waxay kuhaysaa labo liilan oo maydhax aha oo ay calalinayso si ay usoohdo waxana adhiga oogu geeraraysaa

ANIGAA NAFTAYDII HALIGAY OO HALEEYAYE
ANIGAA HANKAALA GOOSTAYO HAYB XUMADAYE
HABEEN IYO DHARAAR WAKAA WAAN HINRAGAYAAYE
MAXAAN HALEEYAY OOY DADKU IGU HAYB XOORI!!!!!!!!!!!!

Duniyo waxay tixdaas tirinaysay iyada oo ay ilmado kaqubanayso wallaac iyo walbaharana ay oogu soo hooreen sidii miilaale roob iyo mayay subaxeed waxayna go,aansatay in ay usheegto jacaylkeeda biishaar waxay dooniba haku qadatee iyada oo leeh seed oogu sheegtaa iyo halkeed oogu sheegta ayaa waxay soo xasuusatay in ay caawo jirto ciyaar dhaqameed laga ciyaaro magaladha dhanaan wakhtiga ay beeruhu baxaan iyo bari samaga taas oo looyaqaano dhaanto waxayna tidhi cawa ayaan oogu sheegahayaa golaha ciyaarta fiidkii waxaa yaraha dibdhacay xiligii ciyaarta ayada oo walbahaar beer ber oogu jiifta isna leh caawa ciyartii way baaqatay ayaa waxay maqashay eray bixintii oogu horaysay ee lagu bilaabijiray dhaantada oo ahayd IYADA BADAN DOONTEE MARKA HOREE BOODH HADUULOY.
 
Duniyo waxay soo laad laadisay gabaheedii qaraafiicda aha waxayna soogadhay goobtii ciyaarta oo raga iyo dumarku ay jabinhayaan guuxa iyo riigada kabixina ay tahay mid aan cadi ahayn duniyo ciyarta way taqanay waliba waxay kamid ahayd gabdhaha hal abuurka leh reen iyo guux kadib waxay dhamaatay ciyaartii waxayna dhalinyaradii midwalba baacsaday gabadh hasa ahaatee waligeed duniyo lama baasan oo waa laga faani jiray racideeda habeenkaas duniyo waccad ayaa uyaalay in ay usheegato bishaar jacaylkeeda waxay u suul dhabalaysay bishaar oo darafta ahysta gabdhkale bishaar laftiisa habeenkaas waa lahayay oo adad ayuu ula ildaraa jacaylka duniyo wuuna kusoo dhaqaay
** waxa uuna kuyidhi duniyo seedtahay walaal?
**waxyna oogu jawaabtay waan ladanahay laakiin caawa dan ayaan kaaleeyahay ee ina keen aan martaas gallee.!!
Bishaar oo neeftuurahaya ayay martii wada galeen duniyo waxay ay sheekadii kaga bilowday walaal bishaar waan lasocdaa xaldda iyo heerka uu marahayo yasitaanka ay iguhayaan reer dhanaan hasa ahaatee wax walba illahay ayay dhankiisa ka ahadaan aniguna waxan ahay gabadh soomaliyeed aniga oo is og waxaan ahay ayaan hadan adig kucalmaday ee wallaaw waan kuu dhibanahay ee wax igala qabo jacaylka intii ay jilbaha kufadhiistay ayay ilmo kasoo hoobatay iyada oo guraa baasysa ayaya hadal oohin kujirto kutiri bishaar aniga waxan ahay gabadh muslim aha waliba soomli aha darisna ad tihiin gabadh iga qurxbadan majoogta magalada dhanan managarahayo godobta aan galabsaday ee la iifaquuqahayo iyo waliba ciil kaambi aad ulaxow badan!!!!!!

Bishaar wax uu ahaa nin aad u beernugul isaga ooy uwehilisay jacaylkii uu uqabay duniyo iyo waliba qaadan waaga hasyta waxaa labadiisa idhood kasoo hoobtay ilmo ay rajaala,aani kudheehantahay waxa uuna kor usoo qabtay madixii duniyo oo hoos dangiigay waxa uuna kuyidhi walaal duniyo wad ogtahay in uu idhalay nin ugaas aha hasa ahaatee anig waxaan samaynlahaaba aabahay waxa uu kaxigaa geeri in aan adiga kul aqalgalo ama aan kulasheekaysto iyo wax uu isku daray oohin cabaar ayay labadoodiiba ciil ooyahayeen kadibna waxay isdhaafin waayeen meesha ay kamrahayaan dhaqanka xaraanta aha ee dadka sharaftaleh ee soo maliyeed lagu faquuqo mid waliba waxa uu udhqaay dhankii gurigoodu ku haboona isga oo ay ilmo walbahaarsani ka qul qulayso dhabanadiisa.
 
Duniyo iyo bishaar habeenkasi waxa ay u ahayd habeen baas midwalibana wax uu goconhayay uurkutalo iyo naxdin aad uxanuun badan labadoodiiba waxa ubaryay waa aanan waligood ubaryin mid walibana waxa uu habeenkii oodhan kudul ooyahaya barkintii ay kujifeen duniyo barkintay kujiiftay waxaa qooysay ilmadii halka uu bisharna sidaa si lamid ahaa labadoodii indhood wayd wada guduuteen mid walibana afkiisii wuu qalalay dhafooradoodiiba waxaa kaqotamay xidido dheer dheer ood moodo in ay kuyaalaan nin dhiig islaan qaba aha “ar dhaqanka soomaliyeed aa yaa meelaha qaarkood kii soo saaray aduunka kucadaaba”.!!!!

Ugaas fax waxa uu kawarhelay in ay habeen wada kulmeen bishaar iyo duniyo waxa uuna uyeedhay bishaar isaga oo mayti naarahaya oo kuleh duliyaho kaalay meel uun iidhaaf oo iga qari arragaaga aad ogutagtay inanta midgaanta aha waryaa mawxaad doonaysaa in la idhaho inikii ugaaska ayaa gabadh midgaaan aha lasheekaysto oo mawaxaad doonaysaa in aan awoow unoqdo caruur ay hoyadood mid gaantahay soo bax waan kumatatarin hayaaye duliyaho aan dulikale jirin bishaar waxa uu ahaa nin waalidkii tixgaliya diintana wax kayaqaana waxa uuna kuyidhi aabihii”aabe diinta islaamka meela kagamajirto wax ladhaho midgaan lamana ogalo in dadka muslimiinta aha la quudhsado ee illahay unoqo aabee”

Ugaas farax talo ayaa kucadatay oo waxa uu lahaa wiilkaga waxa lagu sheegi waa been oo wuu inkiri doonaa hasa ahatee waa uu kudhirayday waxa uuna soqatay hankoolkiisi laqotomay khayrdarida markaas ayuu dhowr jeer feedhaha kaga gujiyay wiilkiisi sharaftalaa issaga ooleh wallee aniga ima ceebaysid waad geeriyoon moyeene.

Duniyo way maqashaa waxa kaladhaxmarahaya bishaar iyo aabihii madadam ay ahaayeen daris. Tallo way cakirantahay magaladii buun dacayada aha ayaa laga afuufay duniyo iyo bishaarna jacaylkoodii kor ayuu uqaadmay waxayna kuwada tashadeen in islabaxaan ooy isla adaan meelkale onan laga aqoonin waxayna sameeyeeen sidii oo way isla carareen waxayna tageen magalada garbo oo magalada dhanan ujirta 100km waxayna kuhagageen oday qaadiga ka ahaa magalada waxayna usheegeen in ay islasoo carareen waloow aysan usheegin siyaabaha dhabta aha ee uu wax ujiro iyaga oo kabaqahayay haday usheegaan in ay gabadhu gabooye tahay in uusan meheriyeen odayga qadiga ka aha mgalada garbo madama laga citiqaadsanyahay in aysan wiil ajji aha iyo gabadh gabooya ahi isgayin.

Bishaar waxa uu ahaa nin aqonleh islamrkiiba waxa uu macalin kanoqday dugsiga dhexe ee garbo waxa uuna tabcaday xoolo maalin mal maha akamid aha wxaa soomaray magaladii aydganayeen aabihii iyo adeerkii oo ay abaari samaysay oo watta adhi wada hadhahaya oo aysan jirin cid gadan oo wax kufali isaga oo horfadhiyo hotel gaashaamo oo aha meesha ay martidu kusoo dagto ayaa waxa kusoo baxay 2 oday oo ay dhibaato kamuuqato wuuna ugacan hadiyay madama uu aha nin ad unaxariisbadan waxauuna garatay in ay yihiin aabihii iyo adeerkii kadinna geeyaya gurigii waxa uu arkay aabihii 6 caruur aha oo aad wada moodo carab iyo hoyadood duniyo oo balbaladii fadhiya markas ayuu ugaas farax iskuduubay wiilkiisii iyo gabdhii uu sodoga u aha wuuna kudul oyaya waxa uuna kadalbaday in ay iskacafiyaan madamada uu khalad kagalay waxa uuna dhahay walle dhaqanka soomaliyeed waxaa kujira qaar ay haboontahay in laga tiro diwaanada iyo buugaagta ay kuqoranyihiin kumaba qornee waxa uuna yaqniisaday in aysan jir in been abuurka soomaliyeed ee u shaydaanku kujaxasadeeyay beenta in aysan isudhalin wiil ajji aha iyo gabadh midgaan aha.

W/Q
abdirashiid abullaahi ahmed(dhanaane)
email dhanaane22@hotamil.com
www.danwaanews.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!