Wasiirrka arrimaha gudaha oo ka qeyb-gallaya shir looga hadllayo arrimaha xaquuqda aadanaha w carabta

by Yahye | Thursday, Nov 6, 2014

Muqdisho; HN;- Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa ka qayb-galay shir looga hadlayo amniga iyo xuquuqda aadanaha ee dalalka Carabta oo ka furmay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qadar.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo qudbad uu uga warbixinayo amniga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, uuna la kulmo qaar ka tirsan mas’uuliyiinta ka qayb-galaysa shirka, si uu ugala hadlo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya Soomaaliya iyo dalalkooda.

Masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Qadar ayaa sidoo kale joogay furitaanka shirka.

Shirka oo socon doona laba maalmood ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan natiijooyin waxtar u leh amniga iyo xuquuqda aadanaha dalalka Carabta, sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha dalka Qadar, Cabdullah Bin Naasir Bin Khaliifa Al-Thani oo furay shirka

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!