Golaha amaanka oo baarayaal u saaray xadgudubyada ka dhacay Suuriya

by wadani | Thursday, Dec 22, 2016

New York : HN : -Golaha guud ee qaramada Midoobeey ayaa u codeeyay in la aasaaso guddi ka shaqeeya sidii loo dacweyn lahaa shaqsiyaadka xadgudubka ka geystay Suuriya.

Guddiga wuxuu uruurinayaa cadeymo muujinaya xadgudubyada ugu daran ee dhacay intuu socday dagaalka Suuriya.

Arrintan oo si aan caadi ahayn loogu codeeyay waxay diidmo kala kulmeysaa Suuriya iyo dalalka xulafada la ah sida Ruushka.

Baaritaan UN ay sameysay ayey ku sheegeen inaysan xaqiijin karin cidda geysatay duqeyn lagu dilay 10 qof oo UN u shaqeyneysay oo gargaar u waday Xalab.

Sidoo kale waxay tilmaameen inaysan cadeyn karin in weerarkaasi uu ahaa mid si ula kac ah loo fuliyay.

Sikastaba, waxay sheegtay Suuriya, Ruushka ama isbeheysiga Mareykanka oo keli ah ay ogaan karaan sida ay wax u dheceen.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!