Golaha qurbojoogta Hiiraan oo cambaareeyn iyo digniin u diray madaxweynaha Soomaaliya

by admin | Wednesday, Feb 25, 2015

London: HN:- Golaha Qurba Joogta reer Hiiraan iyo shabeelaha Sare ayaa waxeey si weyn uga xun yihiin hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud kadib safarkii uu ku tagey caasimadda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa wuxuu xadgudub afka ah u geeystey Bulshadda reer Hiiraan kadib markii uu yiri in Hiiraan uusan kalidii istaagi karin aayahiisana ka tashan karin asagoo tixraacaya Dastuur ku sheega eeysan shacabka reer Hiiraan iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u codeynin. Kaaga darane waxow madaxweeynuhu aflagaaddadaas ku dhawaaqay asagoo dhex taagan xarunta Jaamacadda Hiiraan oo aay si sharci darro ah ku deggan yihiin ciidamada Ethiopia doowladiisuna eey ka gaabisay ineey dhibaatadaas wax ka qabato.

Madaxweynaha iyo kuwa kale ee usoo hangal taagayo ayaa  waxay dibindaabyo siyaasadeed la maaganyihiin shacabka dagan labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Sare ayagoo qorshahoodu yahay ineey madaxa isku galiyaan shacabka dagan labadaas Gobol iyo shacabka walaalahood ah ee dagan Gobolka la dariska ah ee Shabeelaha Dhexe.

9

Soo dhaweynta Safarkii uu dhawaan madaxweynuhu ku tagay magaalada B/weyne

Madaxweyne Hassan Sheikh oo marar badan iska dhigi jiray shaqsi reer Hiiraan ah jecelna horumarkooda ayaa adeegsan jiray hadalo macmacaan oo aan afka dhaafsiisneyn haddase waxow la soo baxay shaarkiisa dhabta ah kaddib markuu meel fagara ah ka sheegay hadalo handadaad  ah oo aanan laga filan karin inoow ka soo yeero mas’uul qaran.

Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu si bareer ah uga horyimid Saxiix sharci ah oo uu sameeyey Madaxweynihii ka horeeyey Mudane Sh. Shariif Sh.Axmed ee uu ku magacaabay Gobolka Shabeelaha Sare kaasoo la sameeyey ka hor inta aanan la ansixin dastuurka uu madaxweyne Xassan Sheikh u cuskanayo hadaladiisa ku dhisan handadaada iyo awood sheegashada.

Waxaa nasiib daro ah in Madaxweyne Hassan Sheikh u tafaxeeyto ka hortagga rabitaanka bulshadda Reer Hiiraan ineey aayahooda ka tashtaan kuna soo yagleelaan Maamul Goboleed ka kooban labada Gobol ee Hiiraan & Shabeelaha Sare kaasoo dhowaan gogashiisa la dhigi doono caasimadda Hiiraan ee B/weyne.

Madaxweyne Xasanoow, hadaad jeceshahay horumarka iyo barwaaqada Umadda aad hogaamiyaha u tahay ee Soomaaliyeed waxaa waajib kugu ah in aadan caadeeysan fara galinta aaya ka talinta bulshadda reer Hiiraan & Shabeelaha Sare, oo dhawaan soo dhisanaya Maamul Goboleed ka kooban Hiiraan iyo Shabeelaha Sare ee ay magaalo madax u yihiin B/Burte iyo B/Weyne.

Waxaan Mudane madaxweyne ku xasuusineynaa in Gobolka Hiiraan uu ka mid ahaa shantii gobol ee Somalia ugu horeeyay, sideedii gobol iyo sideed iyo Tobanka gobol, isla markaana uu yahay gobolka aan la qeybin, marka todobadii kale ay dhaleen toban gobol. Hadaba waxaan kugu wargalineynaa in uu Hiiraan dhalay Sh/Sare oo si sharciyeysan u saxiixay madaxweynihii kaa horeeyay ee ku meel gaarka ahaa Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed.

Golaha Qurba Joogta Hiiraan iyo Shabeelaha Sare

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!