Gollaha amaanka oo ka dalbaday Sacuudiga in uu joojiyo duqeynta Yaman

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

AIR_Eurofighter_Saudi_Delivery_lgNew York : HN :–Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ka dalbaday boqortooyada Saudi Arabia inay hakiso duqeymaha ay hormuudka ka tahay ee Yemen ay ka geysanayaan.

Dowladda Ruushka ayaa Golaha Amaanka hordhigtay qaraar qabyo ah oo uu ku codsaday dalbanayo in lagu hakiyo duqeymaha, si loogu gurmado dadka dalkaas aan u dhalan ee ay saameeyeen dagaallada ka socoda dalkaas.

Sidoo kale, xukuumadda Ruushka ayaa sheegay in ay jiraan dad ajnabi ah oo ay adag tahay sidii ay kaga soo bixi lahaayeen Yemen, maadaama dabadda iyo cirkaba culeys laga saaray lana diiday inay wax ka dagaan.

Xukuumadda Sacuudiga ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin codsiga kaga yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli Ruushanku uu dhabarka ka riixayo Golaha Ammaanka, si Saudi Arabia culeys loogu saaro hakinta duqeymaha ka dhanka ah Yemen.

Waddamada Carabta ayaa qayb ka ah isbahaysiga duqemaha ka wada dalka Yemen, iyadoo dowlado ay Somalia ku jirto ay taageereen duqeymaha laga geysanayo Yemen ee looga horjeedo Xuuthiyiinta mucaaradka ah.

Madaxweynihii Yemen, Cabdul-rabbi Haaddi Mansuur ayaa ku sugan Saudi Arabia kaddib markii ay xoogagga Shiicada Yemen qabsadeen magaalada ku taalla Koonfurta Cadan oo uu xarun ka dhigtay markii la qabsaday Sanca.

Ugu dambeyn, xoogagga Xuuthiyiinta ah ayaa weli sii wada qabsashada dhul ballaaran oo ku yaalla dalka Yemen, kuwaasoo ay ku jiraan magaalooyinka ugu waaweyn dalka Yemen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!