Gollaha amaanka oo loo gudbiyay warqad ka hadlleysa musuq-maasuq ka jira Soomaaliya

by admin | Friday, Oct 17, 2014

New York  :HN:–Golaha Ammaanka ee QM ayaa loo gudbiyay warbixinta sanadlaha ah ee Somalia, iyadoo lagu sheegay in 80% lacagaha dalka lagu bixiyo dano gaar ahaaneed, sidoo kalena ay jiraan kooxo ka macaasha musuqmaasuqa dalka ka jira, kuna takri-fala awoodda dowladda Soomaaliya.

Warbixintan oo ka koobanayd 461-bog ayaa lagu xusay arrimo ay ka mid yihiin; dagaallada lagula jiro Al-shabaab, burcad-badeedda, maareynta maaliyadda iyo jabinta cuno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Guddiga ayaa warbixintooda ku billaabay in doorashadii madaxweyne Xasan Shiikh iyo soo afjaridda xilligii KMG ahaa ee Soomaaliya ay keentay in taageeradii caalamka uu siin jiray Soomaaliya la kordhiyay, si looga saaro meesha musuqmaasuqa iyo dayacnaanta howlaha maamulka, balse guddigu waxay sheegeen in madaxweynuhu uu dhaxlay maamul aan lahayn awood uu ku saxo khaladaadkii hore, gaar ahaan maareynta lacagta iyo ciidamada ammaanka.

Sidoo kale, guddigu waxay sheegeen in tan iyo markii warbixintii sannadkii hore ay soo saareen ay beesha caalamku ay dhaqaale badangollaha-amaanka gelisay dalka, balse ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan maamulu xumada dalka ka jirta, iyagoo xusay in weli ay Soomaaliya ka jiro xaalad la mid ah tii ka jirtay xillligii kala guurka ahayd, ayna ka jiraan musuqmaasuqyo iyo isla-xisaabtan la’aan.

Warbixinta ayaa lagu xusay in ciidamada amniga dowladda ay weli aaminsan yihiin danaha qabiillada ay kasoo kala jeedaan, waaxana lagu xusay in tani ay keentay inay abuurmaan kooxo isku xiran oo ka awood badan xafiisyada dowladda iyo wasaaradaha qaarkood.

“Arrimahaas iyo kursi jacaylku waxay keenee inay hoos u dhacdo taageeradii ay shacabku u hayeen xukuumadda, ayna kordheen colaadaha u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in inkastoo caalamku uu kordhiyay taageerada uu siiyo ciidamada ka socda ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay haddana Al-shabaab halis weyn ku tahay amaanka iyo nabadda Soomaaliya.

Warbixita ayaa sheegtay inay Al-shabaab ku guul-darreysatay inay adkeyso awooddii ay lahaayeen sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii, markaasoo ay dhul badan oo Soomaaliya ku yaalla ka talinayeen, balse ay isbedello sameeyeen, iyagoo ku tilmaamay isbedelkaas in maamulka guud ee ururka ay gacanta ku dhigaan hoggaamiyeyaasha ugu xag-jirsan, kuwaasoo taageero xooggan ka helaya taageerayaasha ururka ee ku sugan dalal ay ka mid tahay Kenya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay qaraxyo la fuliyeen Muqdisho iyo dalalka dariska la ah Soomaaliya, sidoo kalena ay ciidankooda amniyaadka loo yaqaan oo sirdoonka Al-shabaab ah ay ku guuleysteen inay abaabulaan weerarro aad u heer-sarreeya gudaha iyo dibadda dalka, iyagoo tusaale ka dhiganaya kooxda Al-Qaacida oo ay ku xiran yihiin.

Guddiga ayaa dhanka kale kaga hadlay warbixintooda arrimaha gudaha oo ay sheegeen inay jiraan khilaafaad iyo xiisado isi soo taraya oo halis ku ah ammaanka guud ahaan Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda gobolka Sool, halkaasoo sheegeen inay ku dagaalameen dhinacyo kasoo kala jeeda maamullada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.

Xiisadaha gobolka Sool ayay guddigu sheegeen inay arrintani saameyn gaar leedahay, iyagoo xusay in dhinacyadan ay isku haystaan maamulka gobolka Sool oo hodan ku ah sida ay sheegeen shidaalka.

Dhanka kale, guddigu waxay ka hadleen colaadaha gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada dhexe oo ay sheegeen in dagaalladii ka dhacay qaar ka mid ah ay xadgudub ku yihiin xuquuqda aadanaha, gaar ahaan beegsiga dadka rayidka ah.

Guddigu waxay sheegeen in waxyaabaha sii hurinaya colaadaha gobolladan ka taagan ay sii hurinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo beelahooda si hoose u siinaya hubka ayna ku maal-geliyaan lacagaha la musuq-maasuqo.

Waxay kaloo guddigu sheegeen in arrintan dabada kawada iyadoo beel walba ay doonayso inay gacanta ku dhigto dhulka si ay uga hesho daqli badan, isla markaana ay awood u helaan saami-qaybsiga iyo siyaasadda federaalka Soomaaliya ayna meel sare ka galaan. Iyadoo la xusay in kani uu wiiqi karo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Guddigu waxay warbixintooda kusoo qaadeen arrimaha burcadbadeedda oo ay sheegeen inay sannadihii lasoo dhaafay ay hoos u dhaceen afduubaydii maraakiibta, balse sababihii burcadbadeedka dhaliyay ay weli taagan yihiin ayna suurogal tahay inay dib u soo laabtaan. Waxayna xuseen in inkastoo la xiray qaar ka mid ah burcadbadeedda la xiray haddana ay weli dibadda ku joogaan si xorriyad ah iyadoo aanay cidina waxba oran.

Musuqmaasuqa dowladda Somalia oo guddigu ay warbixintooda ku xuseen ayay sheegeen inuu weli jiro musuqmaasuq baahsan, meelaha qaarkoodna uu sii batay oo uu xargaha goostay, iyagoo intaas ku daray in lacagaha lagu bixiyo waxyaabaha aan munaasabka ahayn ay gaarayaan 80% lacagta, sidoo kalena lacagaha la lunsado lagu bixiyo dano-gaar ah iyo arrimo xisbi oo gaar ah.

Warbixinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay weli sii waddo wax-is-daba-marintii ay wadeen dowladihii ka horreeyay, ayna tan iyo bartamihii 2013-kii ay sii kordhiyeen inay saxiixaan heshiisyo iyo qandaraasyo qarsoodi ah oo aysan cidna la ogeyn, kuwaasoo laga qariyo baarlamaanka, shacabka iyo beesha caalamka, taasoo albaabbada u furtay lunsiga hantida Qaranka.

Guddigu waxay kaloo warbixintooda ku xuseen inay jiraan kooxo iyo xulufo si gaar ah uga macaasha musuqmaasuqa oo si hannaanka dowladnimo ka baxsan ugu takri-fala awoodda dowladda.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in Bangiga dhexe ee Soomaaliya uu 70% lacagaha Qaranka – hannaanka loo yaaqaanno ‘Fadlan sii hebel lacagtan’, kaasoo ay sheegtay inuu yahay mid dowladnimada baal-marsan, isla markaana aan lagu qorin xisaabaadka dowladda, iyagoo xusay in guddoomiyaha bankiga dhexe uusan ogeyn waxa lagu sameynayo lacagta lagala baxay bangiga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!