Gollaha amaanka oo maanta ka shiraya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013 | 22 views

golaha-amaankaNew York : HN :  Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay kulan ku yeeshaan xubnaha dalalka ku jira gollaha amaanka ee QM, kaasoo oo looga wada hadlli doono arinta ku saabsan cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya.

Kulamadii ugu danbeeyay ee gollaha amaanka ay ku yeesheen magaalada New York waxaa hareeryay dooda ku saabsan qaadista cunaqabateynta hubka ee laga soo bilaabo 1991-kii saarnaa Soomaaliya, inkatoo dowladdaha ku jira gollaha ay arinta ku kala qeybsan yihiin.

Xog-hayaha guud ee QM ayaa horay u sheegay muhiimada ay leedahay qaadista xiyaraada hubka ee saaran Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay taasi sahli karto dhismaha ciidamo awood leh oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa qorshahan siweyn u taageersan dowladda Mareykanka oo u aragta in la qaado cunaqabateynta saaran Soomaaliya mid dib u soo celin karta ciidamada xoogga ee dalka Soomaaliya una sahli karta dowladda in ay ka guuleysto kooxaha argagixisada.

Shirka maanta ee golaha amaanka ayaa waxaa lagu wadaa i nay go’aan ka gaaraan arinka xayiraada hubka Soomaaliya waxaana xusid mudan in ay ku kala qeybsan yihiin qaadista cunaqabateynta.

Kulanka ayaa loo badanayaa ugu danbeytii in leysku raaco qaadisata xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya muddo halsano ah oo ku-meel-gaar ah si too tijaabiyo awooda ay dowlada Soomaaliya u leedahay hanashada iyo xakameynta marka uu hubkaasi gacmaheeda soo galo.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!