Gollaha amaanka oo sheegay in la xoojinayo la dagaallanka burcad badeeda

by admin | Thursday, Nov 13, 2014

New York : HN :–Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay xoojiyaan dadaalka lagula dagaalamayo burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, iyagoo ku boorriyay inay marakiib dheeraad ah u diraan xeebaha Soomaaliya, si amniga badweynta Hidinya loo adkeeyo.

Xubnaha golaha ammaanka QM ee 15-ka ah ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay inay cadaadis xooggan la saaro kooxaha burcadbadeedda ah, iyagoo sidoo kale ugu yeeray dalalka kale ee caalamka inay qaybtooda ka qaataan la-dagaalanka burcdbadeedda dhaca geysta, ayna ciidammo ku biiriyaan kuwa hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Golaha ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan burcadbadeedda Soomaaliya, inkastoo ay hoos u dhac weyn uu ku yimid falalkii burcdadbadeedda ay ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay.

“In kastoo falalkii burcadbadeedda hoos loo dhigay kaddib daddaallo wadajir ah oo ay ku bixiyeen Maraykanka iyo waddamo kaleGollaha amaaanka QM dagaallada lagula jiro kooxaha burcadbadeedda ah iyo sidoo kale afduubyo tan iyo sannadkii 2011-kii ay burcadbadeeddu ka wadeen xeebaha Soomaaliya,” ayaa goluhu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, goluhu wuxuu qoraalkiisa ku yiri. “Waxaan aad uga walaacsan-nahay khatar ah in kooxha burcadbadeedda ah ay dib isku soo abaabulaan ayna mar kale khatar geliyaan ammaanka badaha Somalia ayna waxyeello gaarsiiyaan maraakiibta samafalka wada iyo badmaaxiinta la socda intaba.”

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay burcad-badeedda kusii kordhaya xeebaha galbeedka badweynta Hindiya iyo kuwa kale ee ku xeeran. Waxaana Golaha Ammaanku uu soo dhaweeyay dadaalka ay kula dagaalamayaan burcadbadeedda dalalka, Shiinaha, Hindiya, Jabaan, Iiraan, Koonfurta Kuuriya iyo Ruushka oo ay maraakiib dagaal kaga sugan yihiin Badweynta Hindiya.

Dhanka kale, Golaha ayaa cusboonaysiiyay howlgalka la dagaalanka burcad-badeedda hubeysan ee jooga badda ka baxsan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen inay halis ku yihiin ammaanka Soomaaliya iyo maraakiibta sida joogtada ah u isticmaala badaha ku dhow Soomaaliya iyo kuwa ka fog intaba.

“Burcadbadeeddu waxay qayb ka yihiin xasillooni-darrada taagan, iyadoo ku bixiya lacagaha sharci-darrada ah ee ay ka heleen afduubyada maraakiibta iyo badmaaxiinta la socda dambiyo dheeraad ah iyo musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya,” ayay goluhu ku sheegeen warbixintooda.

Ugu dambeyn, golahuhu wuxuu sheegay in burcadbadeeddu ay ka heleen afduubyada ay geystaan lacag ka baxan 18 bilyan oo doollar, iyagoo xusay in burcadbadeednimadu ay sababtay hoos u dhaca weyn ee dalxiiska dalal ku yaalla gobolka Bariga Afrika.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!