Gollaha amaanka oo ugu baaqay Soomaalida hogaan siyaasadeed mideysan

by admin | Thursday, Dec 11, 2014

New York : HN :– Gollaha amaanka QM  ayaa ugu baaqay Soomaaliya midnimo xilli ay dalka ka jirto xiisilooni darro  siyaasadeed, loona gudbo hogaan siyaasadeed mideysan.

War-saxaafadeed ka soo baxay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa waxaa  hoosta looga xariiqay muhiimada ay leedahay hogaan siyaadadeed oo mideysan iyadoo golahu uu walaac ka muujiyay saameynta ay xiisadaha siyaasadeed ay ku yeelan karaan horumarka laga garaay nabada iyo deganaanshaha Somaaliya.

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada New York ayaa shaaca kagollaha-amaanka qaaday  in codka kalsoonida ee dhowaan baarlamaanka Soomaaliya uu kala noqday reysul wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed xilli ay soo cusboonaadeen xasilooni darro siyaasadeed iyo rabshadaha ay kooxaha xagjirka ka wadaan wadamada bariga Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida kala laabtay reysul wasaarihii hore Cabdiweli,  lixdii bishan December  kadib markii uu  khilaaf  uu soo gala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay taageerada ay u hayaan hergelinta qorshaha hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka, sidaa daraadeed ayaa goluhu wuxuu  hoosta ka xariiqay sida ay muhiimka u tahay in madaxweynaha Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo reysul wasaare cusub.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!