Gollaha amaanka QM oo eedeyn kulul u jeediyay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya

by admin | Sunday, Oct 26, 2014

New York : HN :– Mark Layal safiirka dowladda Ingiriiska ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya kuwaas oo lugu yeero AMISOM inay ku lug leeyihiin ganacsiga sharci darrada dhuxusha Soomaaliya.

Safiirka isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada New York waxuu sheegay in ciidamada dowlada Kenya iyo qeybo kale ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga dhuxusha oo laga dhoofiyo dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Eedeynta dowlada Kenya ciidamadeeda ee ku aadan ku lug lahaanshaha dhuxul laga dhoofiyo dekada Kismaayo ayaa kusoo beegantay wax yar ka dib markii golaha amaanka ee QM ay soo saareen qaraar lagu baarayo maraakiibta timaada dalka Soomaaliya.

Qaraarkaasi waxaa ka aamusay dowlaha ruushka iyo Jordan, waxaana u codeeyay 13 dal oo ay kamid ahaayeen Nigeria, Rwanda iyoCiidamada_Kenya_Kismayo_2 Chad oo ah seddexda dowladood ee Africa kaga jirta golaha amaanka.

Waxaana lugu sheegay go’aanka Go’aankan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu horjoogsanayo dhaqaalaha Al-shabaab kasoo gali jiray dhoofinta dhuxusha Somalia, taasoo ay goluhu ku tilmaameen inay dhabar-jab ku noqonayso dagaallada ay Al-shabaab ka waddo dalka.

Ma jirto illaa hadda wax jawaab ah oo ay dowladda Kenya ka bixisay eedda kaga timid QM, iyadoo horay ay madaxda Kenya u beeniyeen inaysan waxba ka jirin eedeymo arrintan ku saabsan.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa ka howlgala gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya sida Jubbooyinka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay Qaramada Midoobay ku eedeysay inay qayb ka yihiin dhoofinta dhuxusha.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!