Gollaha wasiirrada oo guddiyo meel-mariyay kaddib kulan ay yeesheen

by admin | Thursday, Mar 19, 2015

Muqdisho : HN :–Gollaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey ku simaha Ra’isulwasaaraha dalka ahna wasiirka Cadaalada dalka mudane Cabdulaahi Axmed Jamac Ilka jiir ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay isku dhafka iyo qarameynta ciidanka xooga dalka ,maamulka maaliyadda iyo amniga guud

waxaana warbixin la xiriirta looga dhagaystay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya taasoo uu ku mujiyay in xaalada amni dalku soo wanaagsanaaneysa .

Galaha wasiiirada ayaa dood dheer ka yeeshay qodobada ay maanta kaga hadlayeen kulankooda waxa ayna ugu dambeyn ku meelgolaha-wasiirada-620x264 mariyeen labo gudi oo Kmg ah kuwaasi oo kala ah guddi ka shaqayn doona isku shafka ciidanka xogga dalkeena , iyo gudiga la socodka heshiisyadda caalamiga ah ee ay dowladda la galayso caalamka inta laga meel marinayo sharciga iibka Qaranka Soomaaliyeed oo iminka hor yaala golaha shacabka Soomaaliyeed,gudiyadaasi ayaa waxaa soo kala gudbiyey wasaaradaha gaashaandhiga iyo maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirada oo qaatay saacado badan ayaa waxaa markii uu soo idlaaday warbaahinta Qaranka la hadlay wasiir dowlaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka, iyo dalxiiska,Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xassan Pekoos oo tilmaamay in kulanku guul kusoo idlaaday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!