Gollaha wasiirrada oo gudi u saaray saameynta iyo jahwareerka ka taagan hoos u dhaca sarifka lacagta doolarka

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013

12Muqdisho : HN: Iyadoo jahwareer iyo dhibaato xoog leh maalmihii ugu danbeeyay soo food saartay dadka dan yarta ah ee ku nool caasimada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada Soomaaliya, taasoo ka dhalatay hoos u dhac ku yimid safarka lacagta doolarka, ayeey xukuumada Soomaaliya arintaa u saartay gudi heer wasiirro ah.

Kadib kulan maalintii shalay ay ku yeesheen gollaha wasiirrada magaalada Muqdisho ayeey xoogiisa kulankaas kaga wada hadlleen arinta ku saabsan isbadalka safarka doolarka iyo waliba korarka maciishada oo dhibaato xoog leh ku heysa qoysaska Soomaaliyeed.

Guddiga xukuumada arinta u saartay waxaa guddoomiye ka ah wasiirrka maaliyda Max’uud Xassan Suleymaan, waxaana ka mid ah oo guddiga ku jira rag ganacsatada, iyaga oo qiimeyn ku sameyn doona sababta arintan keentay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay halka uu marayo sarifka lacagaha doolarka, isagoo cadeeyay in xukuumada ay si deg deg ah wax uga qabaneyso.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siweyn uga cabanaya hoos u dhaca baaxada leh ee ku yimid sarifka doolarka, iyadoo waliba maciishadu halkeedii taagan tahay, waxaana ay taasi keentay in qoysas badan oo Soomaaliyeed ay dhibaato ku noqoto iibsashada maciishada ay u baahan yihiin, madaama lacagaha ay shaqeystaan ama xitaa dibadaha looga soo dhiibo aysan waxba ugu filneyn.

Hiiraan Net.

 

 

 

 

 

Like it? Share it!