Gollaha wasiirrada oo laga yaabo in leysku shaandheeyo

by admin | Tuesday, Sep 23, 2014

Muqdisho : HN :– Warar lagu kalsoonaan karo ayaa shegaya in ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed in uu qorsheynayo isku shaandheyn uu ku sameynayo gollaha wasirrada.

Arrinta ayaa la leeyahay in ay ka danbeyso kaddib markii uu soo ifbaxay mooshn qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka diyaarnayaan ra’iisal wasaaraha, waxaana wararku sheegayaan mooshinka qeyb ka yihiin xubno ka tirsan gollaha wasiirrada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku shaandheyntan ay saameyso Wasiiro aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Guux badan ayaa ka jira magaalada oo ku aadan mooshin la hadal haayo, iyadoo shirar gaar gaar ah ay ka socdaan Hotelada qaar, kuwaasoo ay leeyihiin Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale duwan oo kar-karinaya mooshinka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo inuu ciyaaro doorar kala duwan, si uu u yareeyo awoodaha dahsoon ee ay Xukuumadiisa ku leeyihiin Wasiiro qaar ah, si taasi u baajiso gulufka iyo is xulufeysiga ka socda Baarlamaanka gudihiisa.

Lama oga saameynta ay arrintan reebi doonto iyo in mar kale dib u soo laaban doonto muranadii xaga siyaasadeed, waxaase dad badan ay hadal hayaan in arrimaha socda ay wax un ka hirgeli karaan, marka ay timaado is qab qabsi noocaan oo kale ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!