Gollaha wasiirrada oo meel-mariyay sharciga maamul u sameynta gollada dalka

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013 | 31 views

madaxtooyada-soomaaliyaMuqdisho : HN :  Gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya fadhi maalintii shalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayeey cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen sharciga maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya oo ay soo hor dhigtay gollaha wasarrada arrimaha gudaha.

Wasiir ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in gollaha wasiirrada siweyn uga doodeen sharciga maamul u sameynta gobollada dalka, ugu danbeytiina si wada jir ah u ansixiyeen.

‘’Sharica ku saabsan maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga xoreeyay Al-shabaaab waa mid waafaqsan sharciga federaalka dowladda Soomaaliya, gollaha wasiirradana waa ay ogolaadeen,’’ ayuu yiri wasiirr ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomaaliya.

Waxaa la filayaan in sidoo kale dhawaan marka uu dib isugu soo laabto baarlamaanka la hor dhigo sharciga ku saabsan maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya ee gollaha wasiirradu ansixiyeen.

Xubno ka tirsan xukuumada oo uu horkacayo ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa socodaal maalmihii ugu danbeeyayba ku kala bixinayay gobollada dalka qaarkood, iyaga oo kala hadllayay dadka deegaannada ay booqdeen arrimo la xiriira dhismaha maamul ku-meel-gaar ah.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!