Gollaha wasiirrada oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Mar 15, 2015

Muqdisho : HN :–Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta waxaa u billowday shir la sheegay inuu socon doono labo maalin,waxuuna quseeya sidii loo fududeyn karo wada shaqeyn dhexmarta dhammaanba wasaaraddaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa shir guddoominaya kulanka labada maalin socon doona ee ay qaadan doonan golaha xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kalo shirka lugu soo qaadi doona muddada uu socdo sida loo hirgelinaayo qorshayaasha u degsan dhammaan wasaaradaha640x427xgolaha-wasiirada.jpg.pagespeed.ic.toPGz2g9ki xukuuumadda Soomaaliya.

Wasiirrada ayaa ka wada-hadli doona qorshaha hadda horyaalla Xukuumadda,hirgelinta hiigsiga sanadka 2016-ka iyo dardargelinta dhamaan howlaha loo idmaday xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir kasta waxaa lugu amray in qorshaha boqolka maalin ee Wasaaradiisa uu u soo gudbiyo wasaaradda Qarsheynta iyo Iskaashiga caalamka.

Ra’iisul wasaare Sharmaarke oo dahfuray kulanka waxuu ku booriyay golaha wasiirrada in ay sii labo laabaan dadaalada lagu horumarinaayo waajibaadka loo xilsaaray.

Ugu dambeyn,waa kulankii ugu horreeyay oo ay wasiirrada uga hadlan qodobbo badan oo muhiim ah kuwaaso horyaalla xukuumadda,waxaana la sheegay tallaabadan inay qayb ka tahay dar dar galinta shaqada xukuumadda.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!