Gollaha wasiirrada Soomaaliya oo ka shiray ammniga dalka

by admin | Sunday, Oct 19, 2014

Muqdisho : HN :– Kulan xubnaha gollah wasiirrada ku dhaxmaray xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay xasilinta ammaanka Muqdisho iyo goobaha ay ciidanku kala wareegen Al-shabaab.

Kulanka golaha wasiirada dalka ayaa waxaa shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed,waxaana ka qayb-galay saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, kuwa difaaca iyo kuwa AMISOM.

Ujeedka shirka waxaa lugu sheegay in looga danlaha sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya dhamaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM, iyo in la dejiyo qorshaha lagu xasilinayo deegaannadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shirkaasi oo saacado badan qaatay kaddib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Max’edXasan Ismaaciil oo sheegay in shirkaasi looga hadlay arrimo la xiriira ammaanka dalka.

Taliyaha ayaa xusay in qorshaha ay ku jirto sidii magaalada Muqdisho looga dhigi lahaa meel ka caaggan falal amnidarro, isagoo660x440xKulanka_Golaha_Wasiirada_Dowladda_Somalia_1.jpg.pagespeed.ic.jNfd8CXFUr tibaaxay in arrintaasina ay si wada jir ah uga shaqeyn doonaan dhammaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Jeneraal Maxamed ayaa sheegay in deegaannada laga saaray Al-Shabaab si deg-deg ah loo geyn doono ciidamo ka kooban kuwa nabad-sugidda iyo boolis si loo xoojiyo ammaanka.

“Waxaan qorsheeysanay in dhulalkii laga xoreeyay nabad diidka dhamaan aan si qurux badan aanu nabadgelyadiisa u sugno, in la sii wado xoreynta dhulka inta ka dhiman ee nabad diidku heysto iyo si deg deg ah loo gaarsiiyo ciidanka nabadugidda, booliiska iyo maamulladii dhulalka la xoreeyay” ayuu yiri Gen, Maxamed Xasan Ismaaciil.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ayaa ku guuleystay Al-shabaab inay kala wareegan deegaanno badan oo ka tirsan koonfurta,waxaana socda qorshe lugu xoojinayo amniga Muqdisho.

Hiiraan Net

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!