Gollaha wasiirrada Soomaaliya oo ka wadda hadllay xeerka maalgashiga calaamiga ah

by admin | Friday, Jul 3, 2015

Muqdisho : HN :–Xubnaha gollaha wasiirrada dowladda dhexe ee dalka ayaa wax isa waydiiyay Xeerka Maal-gashiga Caalamiga oo lugu sheegay in la joogo xilligan waqtigii ku haboona.

Shirka golaha ayaa ahaa mid labo waji leh,waxaana qaybta hore shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,waxaana shirka inta badan diiradda lagu saaray arrimaha ugu muhiimsan dalka dhinaca horumarinta.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, Max’ed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa u sheegay raadiyaha gollaha wasiirrada111dowladda in golaha ay ka hadleen Xeerka Maal-gashiga Caalamiga ah oo la joogo waqtigii uu ku haboonaa, waxa kaloo diiradda la saaray Arrimaha Internet-ka dalka oo ay ku howlan tahay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, golaha yuu sheegay in ay boggaadiyeen guushii laga saaray Imtixaannadii la qaadey ee Dugsida dalka intoo badan.

Qeybta Labaad ee Shirka golaha wasiirada waxaa guddoominayey Mudane Maxamed Cumar Carte Khaalib, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaana yiri “ dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa k ago’an in ay sii xoojiso dadaallada ay ugu jirto in si gaar ah loo dartyeello dadka dantayar waana masuuliyadaha dowladda kuwa ugu muhiimsan”.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye) ayaa ka mid ah masuuliyiin uu madaxweynaha Jamhuuriyadda u xiray Billad Sharaf, waxa uu tilmaamay in arrintaas ay muujineyso sida ay u laabatay awooddii dowladda ee aheyd in la ciqaabo ciddii dambi gasha qofkii horumar iyo wanaag keenana a abaalmariyo, isagoo boggaadiyey howl-wadaannada wasaaradda Warfaafinta oo guul waa weyn ka gaaray wacyigelinta Bulshada.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda ay jawaab cad ka bixisay weerarkii argagixisadu Tobaadkii hore ka geysteen deegaanka Leego, dhowaanna la sameyn doono tallaabooyin kale oo jawaab u ah dhammaan horjoogayaasha argagagixisada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qorshayaasha lagu guuleysto ee ay qabtaan wasaaradaha dib u eegta si loo ogaado halka ugu dambeysa ee ay ku dhammaadeen shaqooyin hey’adaha fulinta, waana mid ka mid ah horumarrada laga sameeyey isla-xisaatanka dowladda dhexdeeda ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!