Gollaha wasiirradda oo maalinta bari ah la horgeynayo baarlamaanka Soomaaliya

by admin | Sunday, Feb 8, 2015

Muqdisho : HN :– Maalinta Isniinta bari ah oo ay thaariikhdu ku beegan tahay 09 bishan Feberaayo, ayaa lagu waddaa in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya xukuumada ka kooban 67 xubnood ee dhawaan  uu soo dhisay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

Xukuumadii tan ka hogeysay oo ka koobneyd ilaa 20 wasiir ayaa waxaa ka hor yimid mudanayaasha baarlamaanka Soomaliya ooXildhibaannada_baarlamaanka_Somalia dalbady in dib u eegis lagu sameeyo, iyadoo intaa kaddibna ra’iisal wasaaraha fursad loo siiyay in uu xukuumad dhameystiran ku hor keeno gollaha baarlamaanka, waxaana uu ugu danbeyntii ra’iisal wasaaaruhu uu soo magacabay golle wasiiro oo ka kooban ilaa 67 xubnood oo isugu jiray wasiiro, wasiir-ku-xigeeno iyo wasiiru-dowlayaal.

Lama oga sidda maalinta bari ah xaalku noqon doono, iyadoo wali ay jirto olale ay wadan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo isku dayaya in mar kale ay is hortaag ku sameeyaan gollaha cusub ee xukuumad.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!