G/sare Liibaan Cali Yaroow oo loo magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare

by admin | Wednesday, Sep 24, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa loogu magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha maxkamada sare G/sare Liibaan Cali Yaroowe.

Magacaabistan ayaa imneysa xili guddoomiyihii hore ee maxkamada C/raxmaan Max’uud Tuuryare loo magacaabay  agaasimaha ciidammada nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka oo dhawaan laga qaaday C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe.

Hoos ka akhriso wareegtadda lugu magacaabay hoggaanka maxakamadda ciidanka:dil-maxkamad-8
Ku G/Sarre Liibaan Cali Yarow

Ku G/le Xasan Cali Nuur

OG:Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.

OG:Taliska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

OG:Taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

OG:Taliska ciidamamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.

OG: Taliska Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.

OG: Wasiirka Amniga Qaranka.

OG: Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Destuurka.

OG:Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

OG: Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 Ujeeddo:- Faah-faahin Xeer madaxweyne.

  Madaxda iyo saraakiisha ay sida tooska ah ugu socoto warqaddani iyo oggeynsiintaba, waxaa lagu wargelinayaa sida ku cad lifaaqa oo ah xeer madaxweyne Lam. 56 iyo xeer madaxweyne Lam. 57 ee soo baxay 21/09/2014, oo lagu dallacsiiyey min hal darajo, laguna kala magcaabay sarakiisha soo socota xilalka ku hor qoran waxeyna kala yihiin.

1.G/sare Liibaan Cali Yarow oo loo gamacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

2. G/le Xasan Cali Nuur (Shuute) oo loo magcaabay guddoomiyaha maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!