Guddi loo saaray colaada magaalaada Gaalkacyo

by wadani | Sunday, Nov 13, 2016

Gaalkacyo : HN :- Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa magacaabay Guddi ka kooban 18 xubnood, kuwaasoo ka shaqeynata dhameynta xiisada iyo dhaqan gelinta xabad joojintii ay gaareen Madaxda Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare ayaa goob joog ka ah shirkan oo lagu xaqiijinayo heshiiska nabadeynta Gaalkacyo.

Guddiga la magacaabay ayaa isugu jira min 9 xubnood oo labada Maamul ah, kuwaasoo howshoodu tahay ilaalinta xabad joojinta, kala qaadista ciidamada is hor fadhiya.

Xubnaha Guddiga ayaa siugu jira, Wasiiro, Saraakiil ciidan, iyo odayaal ka soo kala jeeda labada dhinac, kuwaasoo guda geli doona nabadeynta magaalada.

Sidoo kale Guddigan ayaa loo saaray inay ilaaliyaan heshiisyadii la gaaray, inta laga gaarayo shirka 20-ka bishan ka dhici magaalada Kismaayo.

Guddiga ka kooban 18 xubnood ayaa waxaa la sheegay inay haatan kulan albaabada u xiran qaadanayaan, waxaana wixii hada ka dambeeya ay guda geli doonaan kala qaadista ciidamada iyo ilaalinta xabad joojinta, si aanu mar kale dagaal kale u qarxin.

Ugu danbeyntii, dagaalladii todobaadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa sababay in dad badan ku dhintaan, halka dad kor u dhaafaya 50-kun oo ruux ay ku barakacaan.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!