Guddi loo saaray xalinta xiisad ka dhax-oogan ciidammada Puntland

by admin | Thursday, Jun 25, 2015

Garoowe : HN :–Maamul gobolleedka Puntland ayaa guddi u saaray dhameynta khilaaf siyaasadeed oo hareeyay guud ahaan amniga Garowe ,waaxaana dowladdu ay guddi isku dhaf ah u magacowday xal ka gaaridda xiisad ka dhalatay ciidamo ka tirsan Puntland oo gadooday.

Wararku waxaa ay sheegayaan in wasiirka wasaarrada ammniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab uu magacaabay guddi ka kooban 25- xubnood ,isla markaana ay hormuud u yihiin culumaa’udiinka Puntland.

“Go’aamada la gaaray maaha kuwa ay dowladdu gaar u gaartay ,arimaha furinta ka jira ama mid ciidan ha ahaato ama mid dhalinyaroGalal ha ahaato waxaan ugu baaqaynaa cid walba in ay nabadda qaadato “ ayuu yiri wasiirka amniga Puntland oo la hadlayay warbaahinta.

“Cid kasta oo dhibaato ka shaqaynaysa dowladdu waxa ay ka qaadaysa talaabo cad oo midaysan ,ilaahna waxaan ka baryaynaa bil Ramadaan beynu ku jirnaaye in umadda lakala bad-baadiyo “ ayuu mar kale yiri wasiirku.

Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo kamid aha waxgaradkii ka soo qayb-galay shirkan ayaa sheegay in dhamaan xubnihii shirka ka joogay ay isla qaaateen sidii meel looga soo jeesan lahaa wax-kaqabashada amniga Puntland.

Taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo hadda fariisan ka dhigtay deegaano ka tirsan gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta ka danbaysa gadoodkooda ay tahay iyaga oon helin xuquuqahoodi asaasiga ahaa muddo ka badan hal sano.

Ugu dambeyn, wasiirka amniga Puntland ayaa ku baaqay in waxgaradka ku jira dhex-dhexaadinta labada dhinac howshooda loo fududeeyo ,waxaana uu ka digay in khal-khal amni la galiyo magaalada Garowe iyo guud ahaan Puntland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!