Guddiga adeega garsoorka oo ka soo horjeestay kala diristii uu ku sameeyay madaxweynaha

by admin | Saturday, Mar 14, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen guddiga adeega garsoorka dalka, ayeey uga wadda hadlleenilka-xanaff_660 wareegtadii ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee lagu sheegay in madaxweynaha uu kala dirray guddigii adeega garsoorka dalka, waxaana ay ku tilmaameen wareegtada mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga adeega garsoorka :

Golaha_1Golaha_2

Sideed ka mid ah sagaalka xubnood ee uu ka kooban-yahay guddiga adeega Garsoorka oo uu ku jiro guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi (Ilka Xanaf) ayaa kulankan ka qeyb galay.

Dood dheer ka dib goluhu wuxuu soo saaray qodobo gaarayay ilaa iyo lix qodob ,waxaana kamid ahaa.

1-In golaha adeegga garsoorka ka mid yahay 3-da tiir ee qaranku ka kooban yahay

2-In digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya aaney waafaqsanayn dastuurka jamhuuriyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

3-In aanu jirin dastuur ama sharci madaxweynaha awood u siinaya inuu kala diro golaha adeega garsoorka ama gole kale oo Qaran.

4-In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlayo sida dastuurku dhigayo madaxweynuhu uu helo ogolaanshaha golaha adeegga Garsoorka, xitaa magacaabista xeer-ilaaliyaha iyo ku-xigeenkiisa.

5-Haddii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo talaabo garsoorka la xiriira oo aan lagala tashan Golaha Adeegga Garsoorka, waa qayru sharci, xitaa haddii goluhu yahay mid ku meel gaar ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!