Guddiga baarlamaanka oo soo afjaray su’aalo weydiinta xubnaha gollaha wasiirrada

by admin | Monday, May 18, 2015

Muqdisho : HN :–Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay su’aalo ay weydiinayeen xubnaha gollaha wasiirrada, iyaga oo ugu danbeyntii ku soo gabagbeeyay wasiirrada wasaarradaha dastuurka iyo waxbarashada.

Kulankii hore oo uu shir gudoominayay afhayeenka golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa gudiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay la yeesheen wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Wasiirka Dastuurka ayaa gudiga faahfaahin ka siiyay gudiga howlaha wasaaradda ay wado kuwaas oo ku aadan dib u eegista dastuurkajawaari si loo gaarsiiso afti guud oo shacabka Soomaaliyeed laga qaado si dastuurka uu u noqdo mid rasmi ah.

Xildhibaan Xuseen Warsame oo ah ku simaha gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka ahna gudoomiye ku xigeenka gudigaasi oo kulanka ka hadlay ayaa wasiirka u mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan oo wasaaraddu la leedahay gudiga isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la de dejiyo howlaha dib u eegista dastuurka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa wasaaradda iyo gudiga kula dardaaramay in ay ku dadaalaan sidii wadatashi ula yeelan lahaayeen maamulada ku meel gaarka ah ee hadda jira.

Sidoo kale gudoomiyaha golaha shacabka ayaa isla maanta shir gudoomiyay kulan howleed gudiga adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ay su’aalo ku weydiinayeen wasiirka waxbarashada Soomaaliya Marwo Khadra Bashiir Cali.

Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga ugu warbixisay howlaha wasaaradda ay hiigsanayso.

Gudoomiyaha gudiga adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud “Dr Dufle” oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in gudiga iyo wasaaradda wada shaqeyn balaaran dhex marto.

Afhayeenka golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa gebagebadii kulanka sheegay in dhamaan kulan howleedyadii dhexmarayay gudiyada joogtada ah ee BaarlamaanKA Soomaaliya iyo wasiirada wasaaradda xukuumadda Soomaaliya uu si guul ah ku dhamaadeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!