Guddiga cunaqabateynta hubka oo loo kordhiyay mudo sanad ah

by admin | Saturday, Oct 24, 2015

New York : HN :–Qaramada Midoobay ayaa mar kale muddo sanad  ah u kordhisay guddiga cunno-qabteynta hubka ee saaraan Somalia, kaddib shir Golaha Amaanka ee QM ay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa shaaciyay in muddo hal sano ah lagu kordhiyay muddada cunno-qabteynta hubka Somalia, iyadoo xilligaasna uu ku eg-yahay bisha November ee sannadka2016-ka.

Muddo kordhintan cunno-qabteynta hubka Somalia ayaa waxaa u codeeyay 14 ka mid ah waddada xubnaha ka ah golaha ammaanka, iyadoo uu ka aamusay waddada Venezuela.

2014523635364289758618569B60263E9-0D4F-4564-B8E8-8CEABA962E12_w640_r1_s_cx0_cy4_cw0Sidoo kale, xubnaha golaha amamanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay muddada shaqo u kordhiyeen guddiga kormeerka cunno-qabteynta hubka ee dalalka Somaila iyo Eritrea, iyadoo guddigu shaqeynayso illaa 15-ka December 2016-ka.

Dhanka kale, Golaha Amaanka ee QM ayaa walaac ka muujjiyay xaaladda musuq-maasuq ee ka jirta Somalia, iyagoo sheegay inay sii kordhayso wax-is-daba-marinta, lunsashada hantida Qaranka iyo musuq-maasuqa.

Goluhu wuxuu ku godiyay in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka ka horimaanaya amniga iyo deggenaashaha Somalia lagu soo rogi doono xannibaado kala duwan, inkastoo aan la sheegin noocooda.

Ugu dambeyn, guddiga kormeerka Qaramada Midoobay ee la socodka hubka Somalia iyo Eritrea ayaa soo saaray dhawaan warbixin ay kaga hadleen xaaladaha ka jira Somalia sida musuq-maasuqa iyo wax-is-daba-marinta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!