Guddiga dar-dar-galinta sharuucda saldhiga ah hiigsiga 2016-ka oo la magacaabay

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay Amniga dalka, Guddiga Dib u eegista Shuruucda saldhigga u ah higsiga 2016 iyo Arrimaha Warbarashada dalka.

Gollaha wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay wasiiru dowlaha Amniga Gudaha Daa’uud C/kariin Cumar wuxuna sheegay amniga magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka uu yahay todobaadkan mid soo hagaagayay kadib markii la qaaday tallaabooyin lagu sugayo amniga Qaranka, wuxuna xusay in gacanta lagu soo dhigay Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab kaas oo howl-gallada Muqdisho u qaabilsanaa.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadro Bashiir Cali, waxana ay sheegtay in111111111 ay Wasaaraddu ku howlan tahay dadaallo ku aadan sidii dalka oo dhan looga qaadi lahaa Imtixaan mideysan, kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo daladaha ka jira dalka si looga gudbo wax walba caqabad ku noqon kara waxbarashada dalka.

Sidoo kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-habayn lagu sameeyo xerooyinka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gobollada dalka, iyadoo loo xil saaray arrintaas guddi uu madax u yahay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xasan Cali in ay soo qiimeeyaan baahida ka jirta xerooyinka ay Ciidamaddu leeyihiin ee ku yaala qaar kamid ah gobollada dalka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay guddiga dar-dar gelinta sharciyada muhiim ka u ah 2016, sharciyadaas oo isugu jira kuwa hadda la abuuri doono iyo kuwii horey ansixiyay, waxana guddiga arrintaas loo xil saaray madax u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte. Waxyna ka koobnaan doonaan wasaaradaha Cadaladda Arimaha Gudaha, Gashaandhigga, Qorshaynta, Dastuurka, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru dowlaha Xariirka Baarlamaanka ee XRW iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!