Guddiga doorashada dalka Kenya oo isku diyaarinaya ku dhawaaqista natiijada doorashada

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013

kenya_iiiNairobi : HN :   Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa maanta isku diyaarinaya in ay ugu danbeytii ku dhawaaqaan natiijada doorashada madaxtinimada dalka Kenya oo wax badan dib uga dhacday saacadihii la filayay in ay soo baxdo.

Waxaa magaalada Nairobi gaar ahaan xarunta lagu magacaabo Bomas oo la filayo in looga dhawaaqo doorashada gaaraya guddiyada doorashada ilaa 47 county oo ka tirsan dalka Kenya, si ay halkaa u geeyaan natiijooyinka hayaan.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka Kenya gaar ahaan labada musharax ee sida weyn isugu dhaw ayaa waxaa ay kulamo la qaateen guddiga doorashada dalkaasi Kenya oo uu horkacayo Axmed Isaaq oo ah nin Soomaali ah oo ka soo jeeda gobollka W/bari Kenya.

Guddiga doorashada ayaa xoogga saaraya in ay ku qanciyaan musharixiinta ugu danbeytii in ay ku qancaan natiijada marka lagu dhawaaqo, iyadoo laga cabsi qabo in ay dhacaan rabashado ka dhashay natiijada doorashada.

Dadka reer Kenya ayaa wali guryaha ku xareysan, waxaana xiran dhamaan goobaha gancsiga, iyadoo ay dadku si joog ah ula socdaan warbaahinta si ay ogaadaan natiijada kama danbeysta ah ee doorashada.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!