Guddiga doorashada Hirshabeelle oo go’aan ka gaaraya shaqaaqadii xalay ka dhacday Jowhar

by wadani | Saturday, Nov 19, 2016

Jowhar : HN :- Kaddib dagaal xalay ka dhacay magaalada Jowhar, ayaa wararka saakay halkaa naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle go’aan ka gaareen in doorashada laga saaro wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha Max’ed Xassan Nuux oo xalay ilaaladiisa weerar ku soo qaadeen xarunta doorashada.

Wasiirkan ayaa ka socda madaxtooyada Soomaaliya, waxaana taageero mug leh siinaya madaxweyne Xassan Sheekh.

Wasiirka ayaa wareegii koowaad codadka looga horeeyay, isagoo helay 21 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Nuur Timacade uu helay 24 cod.

Markii uu xaqiiqsasday in looga adkaanayo doorashada ayuu ugu baaqay ergadii taageersaneyd in ay buuq ka kiciyaan xarunta, kuwaa oo bilaabay in ay korantada damiyaan, taasoo keentay gacan ka hadal ka dhaca goobta.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa saaka ah mid degan, waxaana iska hor imaadkii ka dhacay afaafka hore ee xarunta doorashada ku dhaawacmay illaa afar ruux, ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa la filayaa in maanta la geeyo xarunata ay ka dhaceyso doorashada, si ammaanka u xaqiijiyaan.

Ugu danbeyntii, dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan aqalka Hoose, waxaana lagu wadaa in doorashadaas ay ku tartamayaan musharaxiin dhowr ah oo isugu jira rag iyo haween.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!