Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo lagu dhawaaqay

by admin | Monday, Jun 29, 2015

Cadaado : HN : –Xildhibaannada baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ee gobollada dhexe ayaa maanta kulan aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxaa ay ku magacaabeen ama ku ansixiyeen guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhici doonta 4-ta bisha July.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Casir Gacal ayaa waxaa ka soo qeyb galayXildhibaannada_Baarlamaanka_Galmudug_HOL illaa 77 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay tirada ansixisay Guddiga doorashada, waxaana cod gacan taag ah kadib 73 Xildhibaan ayaa u codeysay, hal xildhibaan waa diiday 3 waa ka aamustay, sidaas ayaa lagu ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddiga ayaa ka kooban Sagaal xubnood waxaana sagaal xubnood ee uu guddigu ka kooban yahay saddex ka mid yihiin haween.

Hadaba qoraalka ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug ee lagu ansixiyay Guddiga doorashada ayaa sida ahaa:-

guddiga doorashadaHiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!