Guddiga doorashada oo ka hadlay dib u dhaca soo gudbinta xubnaha aqalka sare

by wadani | Wednesday, Oct 5, 2016

Muqdisho : HN :-Guddiga Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka dadban ayaa ka hadlay dib u dhacii ku yimid soo gudbinta Xubnaha Aqalka sare ee u matalaya Maamul goboleedyada, iyadoo Guddiga mar kale ku baaqay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka dadban Maxamed Keyntaan ayaa sheegay in maanta oo aheyd 5 October ay aheyd maalinta loo muddeeyay in maamul goboleedyada ay soo gudbiyaan Musharaxiinta Aqalka sare, isla markaana aanay suura gelin.

“Guddiga Federaal ee Hirgelinta doorashooyinka dadban wuxuu cadeynayaa in maanta oo ah 5 October oo aheyd maalinta loo mudeeyay soo gudbinta magacyada Musharaxiinta Aqalka sare in aysan suura gelin, sababtana waxay tahay maamulada oo aan wali soo gudbin”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay maamul goboleedyada inuu muddo labo cisho ku soo gudbiyo magacyada Musharaxiinta Aqalka sare.

Waxaa kaloo uu ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran inay soo dedejiyaan xubnaha Aqalka saee ee hanaanka doorashada u matalaya Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, maadaama aanu wali dhameystirneyn dhismaha maamulkaas.

Waxaa wal wal laga qabaa inuu mar kale dib u dhac ku yimaado doorashooyinka, iyadoo jadwalkii dhowaan ay soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka uu mar kale la kulmayo dib u dhacyo hor leh, waxaana 8-da bishan lagu wadaa inuu dhaqan galo Guddiga xalinta khilaafaadka, isla markaana 10-ka bisha iyana lagu wado in la soo gudbiyo Musharaxiinta u taagan Aqalka hoose.

23-ka bishan illaa 10 bisha November ayuu qorshuhu yahay in lagu soo doorto Baarlamaanka Aqalka sare iyo Aqalka hoose, iyadoo 23 November ay tahay maalinta loo muddeeyay inay dhacdo doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, sidoo kale 30-ka November ayaa iyana ku asteysan doorashada Madaxweynaha.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!