Guddiga doorashada oo ku baaqay in la xaliyo tabashada guddiga doorashada

by wadani | Sunday, Oct 9, 2016

2016925636103862866011984guddiga_doorashooyinka_dadban_ee_somaliaMuqdisho : HN :-Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in la xaliyo cabashada ka imaanaysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku jira dowlada federalka ayaa cabasho ka keenay saami qeybsiga xubanaha golaha sare iyagoo ku dhowaaqay in ay qaadaceen Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban Avv Cumar Max’uud Dhagey oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in wax laga qabto tabashada dadka maamulka Somaliland degaanadooda ka soo jeeda.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa ay ku qaadaceen inay matalaad ku yeeshaan xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, ku dhowaaqista inaysan ka qeybgalaynin aqalka Sare ayaa ku soo beegantay iyadoo shalay ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland xubnihii u meteli lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!