Guddiga farsamda maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo goor dhaw lagu dhawaaqayo

by admin | Thursday, Oct 22, 2015

Muqdisho : HN :–Guddiga farsamada ee maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa lagu wadaa in goordhow lagu dhowaaqo kadib markii muddo bil kabadan ay soo jiitamaysay sidii loogu heshiin lahaa qeybsashada xubnaha guddiga farsamada.

Wasaarada Arrimaha gudaha oo hore u shaacisay in guddigan uu ka kooban yahay 31 xubnood ayaa labada gobolba ay culeys weyn ku noqotay sidii loo qeybsan lahaa iyadoo gobol walba uu doonayay in uu qaatomaamul-usameynta-shdh-170x114 xubno badan.

Sidoo kale qaabka loo qeybsanayo guddiga farsamada deegaan ahaan ama beel ahaan ayaa gobol walba ku noqotay xujo kale. Wasaarada arrimaha gudaha ayaa markii dambe go’aansatay in dib loo dhigo shirka muddo aan la shaacin.

Hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga heshiiyay qeybsiga xubnaha guddiga farsamada oo haddii lagu heshiiyo ay noqon karto mid horumar u ah maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gobolka Hiiraan loo qoondeeyay 18 xubnood halka gobolka Sh/dhexena uu helay 13 xubnood. Hase yeeshee ma aha mid rasmi ah.

Qeybsiga gudiga farsamada ayaa waxaa haatan soo dedejiyay kadib markii labada guddoomiye ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ay magaalada Muqdisho ugaga qeybgaleen shirka Wadatashiga.

Wasiirka warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowlada in shirka maamul u sameynta gobolka Hiiran iyo Shabeellaha dhexe uu dhamaado bisha December.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in ka hor bisha December ay suuroobi doonto in Madaxweyne iyo Baarlamaan la doorto, waxaana uu rajo ka muujiyay sida ay iminka u socoto howsha.

Sidoo kale  Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhaqan gelinta qodobadii ka soo baxay shirka wada tashiga, waxaana uu xusay in la go’aansaday Guddiga howl fulinta iyo guddiga farsamada ay dhowaan u baxaan Gobolada, si ay kulamo wada tashi ula yeeshaan bulshada rayidka.

Ugu danbeyntii waxaa wali la ogeyn halka rasmiga ee lagu qabanayo shirka hasse ahaatee waxaa la filayaa marka laga dhawaaqayo guddiga farsamada siddoo kale dowladda shaacin doonto madasha uu ka furmayo shirka.

Hiiraan Net,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!