Guddiga xalinta khilaafaadka oo sheegay in ay wali wax go’aan ah dhinacooda ka soo bixin

by wadani | Sunday, Nov 27, 2016

Muqdisho : HN :-War kooban oo goor dhaw ka soo baxay guddiga doorashada madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in aysan jirin go’aano kasoo baxay Guddiga , waxana la sheegay in wali socdaan baaritaano ku aadan cabashooyinka.
War Saxaafadeedka kasoo baxay Guddiga ayaa u qornaa sida tan :

Mogadishu, 27 November 2016 – Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed in uu socdo baaritaan ay ku hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuqmaasuqay kuraas ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka.

GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso
dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas
go’aan ka gaarin. Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu
bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa
fursad uu isku difaaco.

Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay
Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka
gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo
kaliya.

Cabdirazaaq Barre Jaamac
Guddoomiyaha, GMXKHDD

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!