Guddiga xalinta khilaafaadka oo u jawaabay maamul goboleedyada

by wadani | Friday, Dec 16, 2016

Muqdisho :HN :-Guddiga  xalinta khilaafaadka Doorashooyinka ayaa qoraal ka soo baxay looga jawaabay eedeyn ka timid  guddiyada doorashooyinka maamul Goboleedyada.

Qoraal ka soo baxay Guddiga khilaafaadka ayaa lagu sheegay in ku kaceen falal ay ka mid yihiin: is daba marin iyo wax ka bedel liiska ergooynka, ololeyn iyo gacan siin musharaxiin gaara iyo inay la wareegeen awoodii Odayaasha dhaqanka ee asteynta kuraasta iyo xulista ergooyinka.

Guddiga xalinta khilaafaadka wuxuu ku eedeeyaa guddiga doorashooyinka heer Goboleed inay ka beyreen waajibaadkii loo xil saaray, qoraalkii ay soo saareena uu yahay boor isku qaris ay ku daboolayaan gabood falkii ka dhacay xarumaha Doorashooyinka.

xalintakhilaafka1
xalintakhilaafka

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!