Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo maanta la dooranayo

by admin | Saturday, Jun 27, 2015

Cadaado : HN :–Waxaa lagu wadda in maanta magaalada Cadaado ee uu ka soconayo shirweynaha maamulka Galmudug ee gobollada dhexe lagu doorto guddoomiyaha baarlamaanka maamulka iyo ku-xigeenkiisa.ergadcada

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay halkaa ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka oo ay xusul duub adag ugu jiraan shaqsiyaad ay kala wataan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Musharrixiinta u taagan  qabashada xilka guddoomiyaha barlamaanka  iyo kuxigeenadiisa ayaa gaaraya illaa iyo sadax mas’uul kuwaas oo hadda  olalahoodii ugu danbeeya ka dhax wadda xildhibaannda.

Ammaanka goobta doorashada ay ka dheceyso ayaa si weyn loo Adgeeyay, iyada oo xubnaha dooranaya guddoomiyaha barlamaanka iyo kuxigeenadiisa ay diyaar u yihiin  inay doortaan mas’uulka ay u arkaan inuu matali garo dadka dega gobolada mudug iyo galgaduud.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!